Kulankii Hiilka Caasimaddu La Yeeshay Labada Xisbi Ee Waddani iyo UCID: Warbixin Ay Maanta Faafiyeen

0
Wednesday September 23, 2020 - 17:12:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Hiilka Caasimaddu La Yeeshay Labada Xisbi Ee Waddani iyo UCID: Warbixin Ay Maanta Faafiyeen

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

Taariikhdu marki ay ahayd 5/Sept/2020 ayaa aanu la kulanay labba kamid ah saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo kala ah xisbiga UCID iyo xisbiga WADDANI.




Kulankayagaa axsaabtu wuxuu daaranaa talo soo jeedin ku saabsan hab-xulashada xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeisa.


Xisbiyadda qaranku waa jaranjarada koowaad ee ay kaso fuulaan musharixiintu inay kamid noqdaan Golaha deegaanka ee haga Caasimadda, sidaa darteed waxa aanu go'aansanay ka Hiilka Caasimadda ahaan in aanu talo soo jeedin ku darsano xisbiyada qaranka sidii ay caasimadda ugu so xuli lahaayeen xildhibaano u qalma hoggaan u qabashada caasimadda, dadkana ay u horkeeni lahaayeen dad leh aragti, karti iyo kalsooni ay wax ku beddeli karaan.


Xisbiyadda UCID iyo WADDANI si fiican bay noola fahmeen sidoo kalena noo soo dhaweeyeen labada guddoomiye Eng Faysal iyo Dr Abdirahman, waxaanay noo sheegeen in doorkan ay u qorshaysantahay in ay keenaan musharaxiindhaama kuwa hadda jooga, xulushaduna ay sidii hore ka duwanaan doonto.


Aad baan ugu mahad celinaynaa Eng Faysal iyo Dr. Abdirahman Cirro; sida sharafta iyo meeqaamka wanaagsan lahayd ee ay noo soo dhaweeyeen.


Dadkeena ku nool Caasimaddu ma helaan adeeg caafimaad, nadaafadeed, waddooyin, biyo ku filan, goobo dalxiis oo qurxoon iyo dhamaanba baahiyaha caasimadeed ee waajibka ahayd in laga helo.


Dakhliga Caasimadda soo galaa wuxuu Hargeisa u qaban karaa waxyaabo badan oo kamid ah adeegyaddaa aan kor kusoo xusnay; haddii ay jiri lahayd hufnaan iyo hagar-bixid.


Muwaadin waa xiligii aynu ku fikiri lahayn sida cashuurteena aynu bixino ugu heli lahayn adeeg daboola baahiyaadkeena muwaadinimo, ka hortagi lahayn hanti-lunsiga iyo danaysiga ay sameeyaan dadka aan habka qabaliga ah ku xulunaa!!!


Hadii aanu wali wacyigeenu wax ka bedalin in aynu hab qabiil wax ku doorano reer walba waa laga heli karaa tobanaan iyo boqolaal aqoon, karti iyo waayo-aragnimaba isku darsadey shacabka waxaan uso jeedinaynaa inay doortaan midkooda wanaagsan ee ummadiisana wanaajin kara.


FG: Xisbiga KULMIYE isaga waxa aanu ka weyney fursad maadaama oo ay ku jiraan xili mashquul badan oo uu qabsoomayo shirweynihii. Waxa aanu iyagana u tagi doona marka ay hawlahani ka dhamaadaan haddii Alle idmo.


#UHiiliQarankaaga

#UHiiliMagaaladaada

#KuHiiliCodkaaga

#HiilkaCaasimadda

Mahadsantihiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...