Hogaamiye Xirsi Oo Markale Xukuumada Muuse Biixi Ku Karbaashay Fashilaadaha Barnaamijka Kulmiye

0
Wednesday September 23, 2020 - 16:32:55 in News by
  • Visits: 2116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Xirsi Oo Markale Xukuumada Muuse Biixi Ku Karbaashay Fashilaadaha Barnaamijka Kulmiye

    Hogaamiye Xirsi Oo Markale Xukuumada Muuse Biixi Ku Karbaashay Fashilaadaha Barnaamijka Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye Xirsi Oo Markale Xukuumada Muuse Biixi Ku Karbaashay Fashilaadaha Barnaamijka Kulmiye


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar kale soo bandhigay waxyaabaha ay ku fashilantay xukuumada Kulmiye.


Xirsi Cali Xaaji Xaaji Xasan | Somalidiasporanews.com


Hogaamiye Xirsi oo ka hadlayey munaasibad lagu xusayey todobaadka dadka naafada ka ah maqalka ayaa sheegay in xukuumada Kulmiye ku fashilantay inay fuliso hal balanqaad oo ay u sheegtay dadka naafada ah.


Hogaamiye Xirsi oo ka hadlaya fashilka Kulmiye ayaa waxa u yidhi "Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye u tilmaamayaa oo xasuusinayaa in barnaamijkoodii uu ku sugnaa hal eray oo naafada la xidhiidha, mid dhagaha naafo ka ah, mid indhaha naafo ka ah iyo mid jidhka kale ka naafo ahba, wax kale oo Kulmiye uu u qabanayo kumuu xusin.”


Hogaamiye Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "boga 16aad ee barnaamijka Kulmiye waxa ku xusan inuu dugsiyada dalka ka dhigo goobo ku haboon inay wax ku dhigan karaan ardayda naafada ahi balse wali barnaamijkaasi dawlada kama soo fulin waxaanan leeyahay hadaad qodobkaas oo kaliya qorteen bal fuliya oo ogaada in xilkuna dhamaantiin idin wada saaran yahay.”


Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay ujeedada uu u soo qaatay balanqaadka aan wali fulin ee xisbiga Kulmiye u sameeyey dadka naafada ah "Ujeedadaydu waxay tahay inaynu kala doorano oo hawl galino dad tiro ahaan gaadhaya 20% oo aynu u faa,iidayno si ay u buuxiyaan kaalintii ay bulshada ku lahaayeen iyada oo ay inoo dheer tahay in waajibaadkii diiniga ahaa ee masuuliyiinta ka saarnaa loo fuliyo.”

 

 

 

Loading...
Loading...