Muuse Biixi Oo La Kulmay Guddida Doorashooyinka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
Wednesday September 23, 2020 - 14:17:02 in News by
  • Visits: 1533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo La Kulmay Guddida Doorashooyinka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Muuse Biixi Oo La Kulmay Guddida Doorashooyinka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo La Kulmay Guddida Doorashooyinka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxana kulankaas diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Image may contain: 9 people, people standing, suit and outdoor


Ugu horrayn Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen hawlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan bilowga diwaangelinta codbixiyayaasha.


Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinyey Komishanka doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii ay hore ugu cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.


Dhinacooda, Guddida Komishanka doorashooyinku waxay madaxweynaha u caddeeyeen in qorshahoodu yahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii hore loo shaaciyey.


Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Guddida Komishanka doorashooyinku waxay isla garteen in la dardar geliyo qabsoomidda doorashooyinka, waxaana madaxweynaha kulankaas ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...