Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka Si Codka Kalsoonida Loogu Qaado

0
Wednesday September 23, 2020 - 10:44:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka Si Codka Kalsoonida Loogu Qaado

    Waxaa, sidoo kale Raysal Wasaraha Kulankan Ku Wehelinaya Madaxwayne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa, sidoo kale Raysal Wasaraha Kulankan Ku Wehelinaya Madaxwayne Farmaajo

Muqdisho (HWN) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

 

Kulankan maanta ayaa lagu wadaa in Madaxwayne Farmaajo uu golaha horgeeyo Raysal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ee uu dhawaan soo magacaabay, si uu codka kalsoonida ugu qaado goluhu.

 

Ka hor cod u qaadista kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyen farmaajo uu kulanka ka jeediyo khudbad dheer, isaga oo sidoo kale Golaha Shacabka ka codsan doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay xildhibaannada beelaha, isaga oo ka codsanayay inay codka kalsoonida siiyaan si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

 


Loading...
Loading...