'' La Soco Aduunka , Madaarka Berbera Oo Noqonaya Ka Ugu Casrisan Afrika''.

0
Wednesday September 23, 2020 - 10:21:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Madaarka Berbera Oo Noqonaya Ka Ugu Casrisan Afrika''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Sidda uu qoray websaydka  East African bussiness week (EABW) News cadadkiisii maanta , madaarka Magaaladda Berbera ayaa dhamaaday , waxaana loo magacaabay maareeye cusub oo magaciisa la yidhaahdo Dritan Gjonbalaj , kaasoo ah khabiir u dhashay wadanka Kosavo .



Websaydka oo waraysi la yeeshey Mr Dritan Gjonbalaj ayaa kasoo xigtay '' Madaarku hadeer wuu dhamaaday , waxaanu noqonayaa mid ka mida madaaradda ugu adeega wanaagsan qaaradda waa Afrikee ''.


Dhinaca kale Dritan Gjonbalaj wuxuu intaa kusii daray in ay madaarka ka hawl-geli doonaan dhalinyaro xoog loo tababaray oo reer somaliland ah oo ay caawinayaan khabiiro shisheeye iyo waliba hanti dhawro caalamiya , ujeedadooduna tahay in dhismaha , dayactirka , nabad-gelyadda iyo adeegu noqdaan kuwo buuxiya heerarka iyo shuruudaha ku qeexan cahdigga caalamiga ah ee madaaradda civilka ah ee Chicago convention .


Madaarka Berbera oo dhinaca ku haya dekedda caalamiga ah ee berbera oo ay dhisayso shirkadda Dp-world , wadada berbera corridor ee Ethopia iyo Somalilland ayaa filaya dhismaha suuqa xorta ah ee Berbera Free zone oo dhismihiisu qorshaysan yahay , kaasoo dhismihiisu ku kacayo malaayiin doolar .


Madaarka Berbera waxaa markii ugu horaysay dhisay midowgii soofiyeeti , waxaanu ahaa dhererka dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee madaarku 4km , kaasoo ahaa ka ugu dheer qaaradda Afrika , waxa kale oo 80 kii dib u dhisay ku samaysay haayadda hawadda ee Maraykanka ( NASA) , Waxaanu ahaa madaar ay ka haadaan dayax-gacmeedyaddu oo ay gacanta ku hayso NASA , hadeerna waxaa dib udhis iyo balaadhin ku sameysay dawladda imaaraadka carabta .


 Dhismaha madaarkan iyo hawl-gelintiisu waxay noqon doontaa mid door muuqata ku yeelata isu gudubka dadka iyo alaabooyinka u kala gooshaya qaaradaha Afrika , Eeshiya iyo Yurub iyadoo ay caawinayso bogcadda uu ku yaalo oo ah bogcad Istraaji ah awgeed.


Si kastaba ha ahaatee , Berberi waa wadnaha iyo hal-bawlaha Somaliland , hadbana waxay Somaliland muuqaalkeedu  ku xidhan yahay sidda uu noqdo  muuqaalka Berberi .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...