Isaaqa Koonfureed iyo Dirka Koonfureed

0
Wednesday September 23, 2020 - 09:56:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Isaaqa Koonfureed iyo Dirka Koonfureed

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

Isaaqa koonfureed iyo Dirka koonfureed ba, waa Biyo-maal, Surre iyo Awrmaal.


Runtu waxa ay tahay, saami-qeybsiga siyaasadeed, ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, inay ka Isaaq ahaan iyo ka Dir ahaan ba, inay beelaha Biyo-maal, Surre iyo Awrmaal, inay xaq u leeyihiin; oo iyagu ay iska wada leeyihiin.



Waayo, iyaga ayaa deegaan ku ah, iyaga ayaa maamulkaas ka tirsan, iyaga ayaa Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ka mid ah, iyaga ayaa wax wada qeybsi beelahaas la wada leh, iyaga ayaa beelahaas oodwadaag la wada ah, iyaga ayaa dhibaatada beelahaas iyo dheefta beelahaasi ba, ay wada khuseeyaan.


Sidaas darteed, Isaaqa intiisa kale iyo Samaroonka iyo Ciisuhu, waa in aanay Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waa in aanay magaca Direed wax kaga doonanin, oo magaca Direed aanay saami kaga dalbanin, oo magaca Direed aanay xilalal iyo kuraas kaga raadsanin. Sababta oo ah, iyagu deegaan ahaan iyo maamul ahaan ba, Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ma hoos tagaan, oo shuqul iyo shaqu kuma lahan; oo deegaannadoodu waa u gaar, oo maamulladoodu waa u gooni, oo ilaa haddeertan, Dawladda Fadaraalka, way ka madax bannaan yihiin.  


Haddaba beelaha Biyo-maal, Surre iyo Awrmaal, waa inay iyagu wada baraarugaan, oo kaalmaha siyaasadeed, ama doorarka siyaasadeed iyo saami-qeybsiga beelood ba, waa inay iyagu Isaaq ku masalaan, oo Dir ku masalaan, oo iyagu wada qaadtaan, oo iyagu ku wada heshiiyaan, oo iyagu si hufan u wada qeybsadaan – bi idni Allaah.


Beelaha Biyo-maal, Surre iyo Awrmaal, waxa looga baahan yahay, inay degdeg u wada xidhiidhaan, oo si dhakhso leh u wada tashadaan, oo haddeertan wada midoobaan, oo hoggaan mideysan wada sameystaan, oo qorshe mideysan wada yeeshaan - bi xawli Allaah.


Hadal waa murti’e, beelaha Biyo-maal, Surre iyo Awrmaal, waa in aanay fursaddaas luminin, oo aanay dhayalsanin, oo aanay fududeysanin, oo aanay dayacin, oo sida ugu habboon, ee ugu macquulsan, ee ugu hagaagsan, ee ugu mudan, waa inay u kobciyaan, oo u koriyaan, oo u fuliyaan, oo u ilaashadaan - in shaa Allaah.


Alla ha u naxariisto'e, Xaaji Aadan ayaa yidhi:

¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯ ¯¯¯¯¯

Saban tegey mid wali soo socdiyo, saaka waxa jooga

Saddexdaa siyood yaa xaal adduun, lagu sifeeyaaye

Soo noqod ma jiro shaley wixii, saadufoo tegey'e

Midka soo socdiyo saaddambena, waa su’aal maqane

Ogow taladu waxey suubantahey, saaka waxa jooga.

 

Midnimo iyo guul – in shaa Allaah.

 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...