Gabiley Waa Ayaandaran Oo Madaxweyne Biixi Xataa Kubadii Ciyaalka Isboortiga Ayuu Ka Tagi Waayay

0
Wednesday September 23, 2020 - 09:47:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabiley Waa Ayaandaran Oo Madaxweyne Biixi Xataa Kubadii Ciyaalka Isboortiga Ayuu Ka Tagi Waayay

    Halkuu Usocdo Aynu Eegno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkuu Usocdo Aynu Eegno

 

Waxeynu ognahay in Dad Badan oo Reer Gebiley ahi Wali La Yaaban Yihiin Habdhaqanka Qalafsan ee ay Kala Kulmeen Xukuumadii Labaad ee ay Qiirada Qabayaaladeed Ku Raaceen, oo ka dhalatay Xisbiga Kulmiye, Waxaynu La Yaabaneen Guushiisii Maalmo Kadib Xilalkii Qaranka ee uu Magacaabay, Waxeynu la yaabanayn 200 boqol oo Aqoonyahan ah oo Fursado ka Filayay sidii uu Xigtadiisii uga Raacay, Waxaynu La Yaabanayn, Gudoomiyayaasha, Aan Schoolerka ahayn ee uu Gobolka ku Bahdilayo, Waxaynu La Yaabanayn, Oo u Dambaysay Hantidhawrka Gabiley oo Kaliya Ku Kooban ee laga joojiyay dalkii Kale oo dhan, ayuu Gabiley Shilimaadkeeda yar Maalin Walba ku Xisaabiyaa.

 

Waxaynu Wada ognahay in Bankii Wajaale Sun Lagu Beeray oo Qeyla dhaantu is gaadhay, Cid kale oo Geedkaa loola Jeedaa Majiro, Wuxuu isleeyahay Madaxweynuhu Haku Dhamaadaan Qoladaa Reer Gabiley Geedka Sunta ah iyagiyo Xoolahooduba oo aad Adigu Ku Dhaxalwareejisid, Noqon Mayso Taada ee Wixii Illaahay ugu Talagalay ayay Noqonaysaa.

 

Soomaalidu Waxey tidhaa Mayd Keebaa u Dambeeyay Kaa lasii Sido Waxey Dadkii Reer Gabiley oo Dhami La Yaaban yihiin in Maamulkii Dhamaa ee La Tuhmayay ee Askariga Adagi ayaa ka Dhamaan Waayay Tobankii Inan Ee Ciyaartoyga Gabiley ahaa oo uu yidhi 'Hebel Yuu Halkaa Ka Ciyaarine, Hebel Haka Ciyaaro, Waa Inamadii Cadceeda u Taagnaa ee Magaciisa u qiireysnaa ayaa La Fajacsan Sida uu Ugu Yeedhiyay, ee uu ukala Soocay Inamadii ee Ninkii Toban Sano horjoogay Amar Xaga Sare ah lagu kasoo amrey, Miyaanay Ayaandaro aheyn Kuwan aragnaye Bal aynu Eegno Maalmaha kalana.

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...