Warbixin Laga Soo Saaray Tayada Waxbarashada Dawliga Ah Ee Somaliland

0
Wednesday September 23, 2020 - 01:08:32 in News by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Laga Soo Saaray Tayada Waxbarashada Dawliga Ah Ee Somaliland

    Warbixin Laga Soo Saaray Tayada Waxbarashada Dawliga Ah Ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Laga Soo Saaray Tayada Waxbarashada Dawliga Ah Ee Somaliland


Hargeysa(HWN):-Tayada Waxbarashada Dugsiyada Dawladda Oo La Ogaaday In Ay Ka Wanaagsan Yihiin Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay.

Image may contain: text that says 'JAMHUURIYADDA SOMALILAND 1 REPUBLIC OF SOMALILAND WASAARADDA WAXBARASHADA & SAYNISKA XAFIISKA IMTIXAANAADKA QARANKA'


Sidaas waxaa caddeeyay celceliska wadarta dhibcahaImtixaankii fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee 2019/2020 oo ay:


1. KAALINTA 1AAD galeen ardayda dhigata dugsiyada sare ee dawladda ee miyiga ku yaalla oo keenay 80%.


2 KAALINTA 2AAD waxaa galay ardayda dhigata dugsiyada sare ee dawladda ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 70% iyo


3. KAALINTA 3AAD ee UGU HOOSAYSA oo ay galeen ardayda dhigata dugsiyada sare ee gaarka ah ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 66%, iyadoo aanay jirin dugsiyo gaar loo leeyahay oo miyiga ku yaallaa.


LAFAGURKA XOGTA:


Lafagur hordhac ah oo lagu sameeyay xogtii dhibcaha imtixaankii fasalka 4aad ee dugsiyada sare ayaa lagu ogaaday xogaha soo socda:


1. Celceliska wadarta dhibcaha (median score) ayay ardayda dugsiyada sare ee dawladda dhigataa keeneen 73% oo ka sarraysa celceliska dhibcaha ay keeneen ardayda dhigata dugsiyada sare ee gaarka ah oo ah 66%.


2. Sidoo kale, gobol kasta dugsiyada dawladda ayaa dhibco sarreeyay, marka laga reebo gobolka Maroodijeex oo gobollada dalka ugu dhibco hooseeya.


3. Saddexda gobol ee celceliska dhibcahoodu gaadheen 80% iyo ka badan, midkoodna malaha dugsiyo gaar loo leeyahay.


4. Tobanka maaddo ee imtixaanku koobsaday, ardayda dugsiyada dawladda dhigata ayaa celceliska dhibco sarreeya maadooyinka xisaabta, fisikiska, Carabiga, iyo Ingiriisiga. Halka celceliska dhibcaha 6da maaddo ee kale ay siman yihiin ardayda dugsiyada dawladda iyo dugsiyada gaarka ah dhigtaa.


5. Celceliska wadarta dhibcaha ay keeneen ardayda dhigata dugsiyada sare ee miyiga (tuulooyinka) ku yaalla oo ah 80% ayaa aad uga sarraysa celceliska wadarta dhibcaha ardayda dhigata dugsiyada sare ee magaalooyinka (magaalo madaxyada 23 degmo doorasho) ku yaalla oo keenay 67%.


6. Isbarbardhigga maaddooyinka sidoo kale, ardayda dugsiyada sare ee miyiga dhigata ayaa 8 maaddo kaga dhibco sarreeyay ardayda dugsiyada sare ee magaalooyinka dhigata. Kuwaasoo kala ah: barashada diinta Islaamka, Af Carabi, Af Ingiriisi, Xisaab, Fiisikis, Bayoolaji, Kimistari iyo Juqraafi.


Maadaama oo ay ardayda dugsiyada miyiga ku yaallaa ay aad uga dhibco sarreeyeen dugsiyada magaalooyinka ku yaalla; Isla markaana, dhammaan dugsiyada miyiga ku yaalla ay dawladdu leedahay; halka dugsiyada magaalooyinka ay badhna dawladdu leedahay, badhna gaar loo leeyahay; waxaa habboon in la is-barbardhigo dhibcaha dugsiyada dawladda iyo dugsiyada gaarka ah ee magaalooyinka ku yaalla (Hoos eeg).


7. Celceliska wadarta dhibcaha ardayda dugsiyada dawladda ee magaalooyinka ku yaallaa waa 70%; halka celceliska ardayda dhigata dugsiyada gaarka ah ee magaalooyinka ku yaallaa uu noqday 66%.


GEBOGEBO:


Celceliska wadarta dhibcaha waxaa loo kala sarreeyay sidan:


1. KAALINTA 1AAD waxa galay ardayda dhigata dugsiyada dawladda ee miyiga ku yaalla oo keenay 80%.


2. KAALINTA 2AAD waxaa ku jira ardayda dhigata dugsiyada dawladda ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 70%.


3. KAALINTA 3AAD ee ugu hoosaysa waxaa fadhiistay ardayda dhigata dugsiyada gaarka ah ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 66%.


MAXAA SABABAY KALA SARRAYNTA DHIBCAHA?


1. Dugsiyada dawladda ee magaalooyinka ku yaalla oo celcelis ahaan keenay 70% inay ka sarreeyaan celceliska dugsiyada sare ee gaarka ah ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 66%, inkastoo loo baahan yahay cilmibaadhis intan ka qoto dheer, waxa loo nisbayn karaa laba qodob oo kala ah:


1.1 MACALLIMIINTA DUGSIYADA DAWLADDA WAX KA DHIGA OO AY KU JIRAAN KUWA SHAQADA QARANKA OO KA AQOON SARREEYA KUWA DUGSIYADA GAARKA AH WAX KA DHIGA IYO.


1.2. TIRADA ARDAYDA FASALKA FADHIISTA EE DUGSIYADA DAWLADDA OO KA YAR TIRADA ARDAYDA FASAL WADA FADHIISTA EE DUGSIYADA GAARKA AH, INKASTOO LOO BAAHAN YAHAY CILMIBAADHIS QOTO DHEER .


2.Is-barbardhigga dugsiyada dawladda dawladda ee miyiga iyo magaalooyinka ku kala yaalla, oo ay kuwa miyigu celceliskoodu yahay 80% ka sarreeyaan kuwa magaalooyinka oo celceliska dhibcahoodu yihiin 70% waxaa loo nisbayn karaa laba qodob oo kala ah:


2.1. Tirada ardayda fasal WADA fadhiista ee dugsiyada dawladda ee miyiga oo aalaaba ka yar tirada ardayda ee fasal WADA fadhiista dugsiyada dawladda ee magaalooyinka iyo.


2.2. Ardayda magaalooyinka wax ku barata oo uu waqti badani kaga lumo isticmaalka internetka (Baraha bulshada), daawashada muuqaal baahiyaha (Television) iyo suuqyada magaalooyinka.


TALOOYIN MUHIIM AH:


1. Tirada dugsiyada iyo fasallada oo la kordhiyo si loo yareeyo tirada ardayda fasal WADA fadhiista.


2. Tirada macallimiinta joogtada ah iyo kuwa shaqada qaranka oo la kordhiyo si loo yareeyo tirada ardayda fasal WADA fadhiisanaya.


3. Macallimiinta oo tababar dheeraad ah la siiyo si loo tayayeeyo xirfaddooda macallinnimo.


4. Waalidiinta oo carruurtooda ka xaddida, kana yareeya adeegsiga internet-ka, daawashada muuq baahiyaha iyo u bixitaanka suuqyada si ay waqti ugu helaan inay wax akhristaan.


Loading...
Loading...