Booqashadii SBI/LIS/Miiran: Beertii Saytuunka iyo Bogaadintii Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Ee Barbaarta
Hiilkaasi waxa uu Axmed Cismaan Geelle ku reebay raad iyo xasuus weyn. Waxa uu isu arkaa qof qaan ka mug weyn intii hore lagu leeyahay. Sidaas awgeed ayuu wakhti u siiyaa kulanka bulshada maalmahan. Booqashada aanu ku tegnay Shirkadda SBI taas ayay ku qotontaa.
Waxa madarkan (shirkan) igu soo wargeliyay Garyaqaan Ayaanle Xaliye oo intii hawshu oognayd noo ahaa Guddoomiye iyo Hoggaamiye ruuxi ah, anina waxa aan casuumadda gaadhsiiyay Bare/Abwaan Axmed Yaasiin Dool. Saddex gaadhi oo ahaa bus ay wiilashu/raggu fuuleen iyo laba gaadhi oo Layla-calawi ah oo ay habluhu saarnaayeen ayaanu ahayn. Waxa aanu shidaalka kaga sii shubannay Kaah Hotel.
Abbaaro 11:00 barqannimo ee Khamiistii hore 18kii Abril 2019ka, ayaanu Hargeysa ka baxnay, waxaanu maalin-badh gaadhay Deegaanka Jaleelo ee ay ku yaallaan wershadaha SBI, Lis iyo Miiran. Salaadda iyo suuliga ayaa judhii loo kala leexday. Wax yar kaddib waxa soo galay ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Waxa aan la taagnaa laba ciyaaryahan oo waaweyn kana mid ah Xiddigaha Kubadda cagta Somaliland oo kala ah: Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Laacibkii Naadiga Sooyaal (1998-2002) iyo Haybe Good Hurre Weeraryahankii Xulka HAWD (2011-2016). Annagu waxa aanu Axmed Cismaan Geelle is barannay sannadkii 2013ka, waxaanan isku barannay Jabuuti. Laba jeer ayaannu halkaas isku aragnay, is barannay. Wixii ka dambeeyayna xidhiidh taleefan iyo email ah ayaannu lahayn.
Maadaama oo aannaan lix gu’ is arkin, bariidada kagama horraynnin, waxa aan doonayay in aan jirrabo xasuustiisa. Kaddib markii uu si guud noo bariidiyay annaga oo saddex ah, waxa uu gaar igu yidhi
"Warran?”
"Fiican”
"Muddo dheer la isma arkin”
"Waa run, 2013kii ayaa aragti inoogu dambaysay”
"Haa, saw lama fiicnaa”
"Maansha Allah. Waan wada joognaa, is waraysan doonnaa”
Intaas ayaannu is dhaafsannay. Kaddibna waxa uu hore ugu socday soo-dhaweynta dhallinyarada aanu socdaalka isku lugta ku wada ahayn.
Axmed Cismaan Geele waxa uu ka mid yahay ganacsatada guubaabiya barbaarta, wakhiga la qaata ee hiil iyo hoo’ labadaba u hura. Aragtidiisu waa mid aan laga xiise goynnin. Waa qof deggan oo hadal yaqaan ah. Laba jeer ayaan arkay isaga oo warbaahin ka hadlaya, intaas iyo is-aragga aanu yeellanay ayaan qofnimadiisa iyo codkarnimadiisa ku bartay. Waa is-aragyo kooban, laakiin wada shaqeeyay, si run ahna la isu bartay. Markii ugu dambaysay ee aan la xidhiidhaa waxa ay ahayd dabayaaqadii 2017ka oo uu ka soo wareegay Jabuuti. "Aniga oo og inaad tahay qof sharciga ixtiraama, waxa aan rejaynayaa in khilaafka oogani ku dhammaado af-garad iyo wanaag” ayaan ku idhi.
Waxa aanu guda-galnay eegmada hannaanka shaqo, waxsoosaar iyo dhisme ee wershadda SBI. Qolalka iyo xafiisyada kala geddisan ayay hawl-wadeenno carbisani mid mid noo tuseen. Halkaas waxa aanu ku cabsnay sharaabka Sprite oo markaas wershadda ku jiray. Cabbitaan jiray wax ka yar hal daqiiqo ayaannu dhuunta marinnay. Waad la amakaagaysaa maalgelinta heerka sarraysa iyo in wershad noocan ahi dalka ku taallo. Waxa aanu aragnay agabka shaybaadhka ee tayada lagu hubiyo, hannaanka biyaha loo sifeeyo, sida la isugu dheellitiro iyo wax aan qof arka mooyaane, qof kale looga sheekayn karin. Waxa aanu xidhannay dharka madaxa iyo gadhka oo muhiim u ah faya-dhawrka. Ugu dambayntiiw axa aanu dhaayaha saarnay sida ay wershadda SBI u baabbiiso qashinka wershadda, kaas oo la badhxo.. Waayo haddii deegaanka lagu sii daayo waxa uu yeelan karaa waxyeello.
Raggii aanu halkaas isku aragnay waxa ka mid ahaa Cabdisamed Awdaahir Sumcada oo ah qoraha buugga HADYAD JACAYL kana hawlgala SBI. Habeen ka hor ayaan ku wargeliyay in aanu berri ku booqan doonno SBI, heegan ayaanu ku jiray. Dhammaan shaqaalaha waxaan uga mahadnaqayaa milgaha ay nagu qaabbileen. Markii aanu saacad daawannay, eegnay ee aanu barannay qaybaha shaqo iyo hannaanka shaqo ee SBI ayaannu hadhimadii u nimi. Nin kastaaba wixii Alle uga qoray ayuu halkaas ka quutay. Aniga oo amateedku iga xidhnaa baa malaha ugu yaraystay, haddana laba jeer waan ku noqday. Qadada waxa nala joogay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo awgayo u yimi Jaleelo.
Intaas kaddib waxa aanu saacad iyo dheeraad kale illaa 03:30 galabnimo soo barannay qaybaha iyo hannaanka shaqo ee Wershadda Caanaha LIS iyo Wershadda Miiran oo saarta cabbitaanka kala geddisan. Waxa aanu indhaha soo saarnay beerta wershadda oo ay ku yaallaan kumannaan kun oo geed oo saytuun ah. Intaas kaddib waxa aanu Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ugu nimi barxad ku xigta biyo-fadhiisin beerta ku dhex yaalla. Madal la dhigay kuraasi oo la saxar-tiray bay ahayd. Judhii ayaan la booday xabbad saytuun ah. Axmed Cismaan Geelle oo kaftamaya ayaa yidhi "Siciid wuxuu iska jaray xabbad saytuun ah markiiba. Ma beer ayaad lahaydeen?”. Waxa aan ku idhi "Haa. Aw Barkhadle ayay ku taallaa”. Waana meesha aan khudradda darayga ah ku bartay.
Is-barasho la isku aqoonsaday kaddib, waxa hadalkii noo furay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, waxa uu nagu soo dhaweeyayay SBI, LIS, Miiran iyo Beerta. "Runtii dhallinyarada iyo ummadda Somaliland waxa ay i gashadeen abaal aanan gudi karin. Waan ka fekerayaa sidii aan u celin lahaa. Dhallinyaradu waa quwad u baahan in laga faaiideeyo, hannaankii iyaga oo midaysan horumarka dalka loogu jihayn lahaa ayaan is weydiinayaa. Aad baad u mahadsan tihiin”.
Annaguna waxa aanu Axmed Cismaan Geelle uga mahad celinnay soo-dhaweynta, sooryada iyo maamuuska uu nagu qaabbilay. Ma jirin wax gaar ah oo nalagu majeertaa, waxa aanu metelaynnay boqollaalka, kumannaanka iyo malaayiinta da’yarta Somaliland ee geesinnimada ku garab istaagay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.
Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, waxa uu intaas kaddib yidhi "Waad i weydiin kartaan suaal kasta oo mugdi ku jiro”. Waxaanu na siiyay warbixin hordhac ah oo waafi ah, wax keli ah kuma garatide, waxa aanu u waraysannay sida suaalaha loogu hafiyo qofka lagu marti-qaado Barnaamijka Maqal Dadkaaga. Laba saacadood iyo dheeraad 04:00-06:00 ayaanu weydiimo ku darandoorrinay. Isaguna degganaan iyo masuuliyad ayuu kaga warceliyay.
Ka geyoon maayo haddii aan faalleeyo xogihii la is dhaafsaday. Ugu dambayntii waxa uu Axmed Cismaan Geelle abaalcelin u hayaa guud ahaan ummadda Somaliland, wuu u han weyn yahay, una heellan yahay.
W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!