Maxaa Laga Filan Karaa Kulan Siyaasadeed Dubai Ku Dhexmaray Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Buurmadow?

0
Wednesday September 23, 2020 - 01:01:55 in News by
  • Visits: 2674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Laga Filan Karaa Kulan Siyaasadeed Dubai Ku Dhexmaray Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Buurmadow?

    Maxaa Laga Filan Karaa Kulan Siyaasadeed Dubai Ku Dhexmaray Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Buurmadow?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Laga Filan Karaa Kulan Siyaasadeed Dubai Ku Dhexmaray Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Buurmadow?

 

 


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka ka soo jeeda bariga Burco ayaa kulan ku yeeshay wadanka Imaaraadka Carabta.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor


Kulanka Dubai ku dhexmaray gudoomiye Faysal iyo Boqor Buurmadow ayaanay ilaa hada labada dhinacba faah faahin ka bixin balse wararka xogogaal ah ayaa sheegaya in xaaladaha siyaasada ee haatan ka taagan somaliland aanay ka madhnayn wada hadalka labadan masuul.


Boqor Buurmadow oo ay beeshiisa kala dhinteen xisbigii Kulmiye ayaa baadigoob ugu jira inuu sahaminta xisbigii ay ku biiri lahaayeen isla markaana ay hogaankiisa qabsan lahaayeen si ay ugu garab istaagaan codkooda.


Dhinaca kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo la dareensan yahay inuu xisbigaasi ku kaliyeystay ayaa la filayaa inuu qorshaynayo sidii uu u hanan lahaa taageerada beesha boqor Buurmadow taas badalkeedana uu la gaadho heshiis ay wax ku wada yeeshaan.

Image may contain: 2 people, people standing and beard
Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa dhawaaqa ka soo bixi doono boqor Buurmadow iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ee ay ku faah faahin doonaan waxyaabaha ay kaga hadleen kulankooda iyo ujeedada ay lahaayeen.

 

Loading...
Loading...