Golaha Wakiillada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerar Xukuumaddu U Soo Gudbisay

0
Tuesday September 22, 2020 - 18:42:32 in News by A. Asbaro
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerar Xukuumaddu U Soo Gudbisay

    Golaha Wakiillada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerar Xukuumaddu U Soo Gudbisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerar Xukuumaddu U Soo Gudbisay

Hargeisa(HWN):-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dood ka yeeshay qaabka loo kala horraysiinnaayo Xeerarka uu u soo gudbiyay Muuse Biixi Cabdi.



Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Wakiillada Somaliland, ayaa mudaneyaasha u akhriyay Xeerka aagga Cashuuraha ka caaggan.
Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hor yimid heshiis dhexmaray Seddaxda xisbi siyaasadeed ee Somalilnd. | Hiranweyn Somalia latest news

"Xeerka cusubi waa Xeerka aagga Cashuuraha ka caaggan, shirguddoonkanna waxaannu isla garanay in la soo horraysiiyo Xeerkan oo Xildhibaannadu ka dooddaan" Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Wakiillada Somaliland.

Hase-yeeshee, Xildhibaannadu waxay dood ka keenneen Saddexdan Xeer ee isbarkan, waxaannay qaarkood soo jeeddiyeen in la keenno Xeerka Dekeddaha.

"Waxaad sheegtay in Xeerarkan ay muhiim yihiin, waanan kula qabaa inay muhiim yihiin Xeerarkani, ahmiyaddaas ay leeyihiin iyo middi roortaytunna isma qabato, haddii meesha deg-deg soo galanna surbo seegtooyin baa dhici karra, markaa in laga bogto, oo si wanaagsan loo darso oo talo wanaagsani meesha ka soo baxdo ayaa lagama maarmaan ah." Ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mudaneyaasha u sheegay in maalinta beriya la bilaabi doonno Doodda ku saabsan Xeerka aagga Cashuuraha ka caaggan.

"Waxaynu isla darreensannahay in Hay'adda Dekedduhu yeelato Xeer, aagga cashuuraha ka caaggana uu yeesho Xeer. Sidoo kalena Shirkaddaha Free Zone-kaas isticmaallayaanna ay Xeer yeeshaan, markaa Wakhtiga oo inna haya iyo baahidda loo qabo, markaa Mudaneyaal Wakhti badana geliya, wixii aan qarankan dan u lahayna ka tuurtaan, wixii aad dan u aragtaan ku dartaan, wixii ay idinla noqotanna dooddiina ku dhiibataan waa awooddiina oo Sharciga golaha ayaa idin fasaxaaya intaas ba." Ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Loading...
Loading...