Madaxweyne Qoor Qoor Oo Xasaasi Ah La Qaatay Xasan Cali Kheyre

0
Tuesday September 22, 2020 - 11:25:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoor Qoor Oo Xasaasi Ah La Qaatay Xasan Cali Kheyre

    Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad




Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

 

Kulanka dhexmaray Kheyre iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa inta uu socday looga Arrimaha Doorashada dalka ee 202/2021, kaalinta ay Galmudug ku leedahay howlaha socda iyo Arrimo kale oo ku aadan Maamulka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in kulan uu la qaatay Madaxweynaha Galmudug uu ahaa mid miro dhal ah, isla markaana ay sidoo kalena isla eegeen howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay.

 

"Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

 

Tan iyo markii uu shaaciyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Kheyre in uu yahay Musharax Madaxweynaha xilka Soomaaliya ayaa waxaa uu Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed, isagoo la kumay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.


Loading...
Loading...