Shirkada DP World Oo War Cusub Ka Soo Saartay Furfurka Ganacsiga Itoobiya Iyo Doorka Dekeda Berbera

0
Sunday April 21, 2019 - 19:45:53 in News by
  • Visits: 7192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada DP World Oo War Cusub Ka Soo Saartay Furfurka Ganacsiga Itoobiya Iyo Doorka Dekeda Berbera

    Warka Cusub Ee DP World Muxuu Daaran yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warka Cusub Ee DP World Muxuu Daaran yahay


Hargeysa(HWN):-Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto furfurnaanta ganacsi iyo dhaqaale ee dalka Itoobiya oo hay’ado dawladdu maamulaysay laga dhigayo kuwo madax bannaan. Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in ay gabogabo tahay daraasayn lagu waday xarun ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya taas oo dalka Itoobiya iyo guud ahaan Bariga Afrika loogu qaybin doono alaabooyinka laga soo dejiyo dekedda Berbera.

DP World Oo War Cusub Ka Soo Saartay Diridhaba


Madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Mr Suhayl Al Banna ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda la soo gabogabayn doono qorshaynta iyo sahaminta xarun xuddun u noqonaysa alaabooyinka laga soo dejinayo dekedda Berbera taas oo laga dhigi doono Diridhaba sidoo kalena waxay shirkaddu doonaysa in ay Jigjiga ku yeelato xarun kale maaddaama ay suuqa ugu weyn ee ay doonaysa yahay Bariga Itoobiya siiba dhulka Soomaalidu degto.


Suhail Al Banna Waxa uu wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in daraasaddani qiimaynayso muhiimadda magaalada Diridhaba iyo agagaarkeedu u leedahay in ay noqoto xarun ganacsi. Waxa uu sheegay in ay sidoo kale halkaasi ku xidhayso dekedda Berbera oo la doonayso in ay noqoto xuddunta Geeska Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo. Waxa uu sheegay in la darsayo sida la isugu xidhayo xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekedda Berbera oo Badda Cas ilaa Yurub iyo Bariga Fog isku xidhaysa. Waxa kale oo uu sheegay in la eegayo muhiimadda Jigjiga oo xarun u ah gobolka Soomaalida Itoobiya.


Suhail Al Banna waxa kale oo uu sheegay in wax badan laga qabtay dekedda Berbera intii ay maamulaysay shirkadda Dp World, kuwaas oo isugu jira qalabka dekedda iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha.


Wargeyska Reporter waxa uu ku warramay in jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo dhismihiisu bilawday ay qayb ahaan maalgalinayso dawladda Imaaraadka Carabtu halka haddii loo baahdo Itoobiya la waydiinayo in ay gacan ka gaysato.


Sida uu wargeysku ka soo xigtay wasiir Sacad Cali Shire suuqa bartilmaameedka ugu weyn u ah horumarinta dekedda Berbera waa arlada Soomaalidu degto ee Bariga Itoobiya taas oo u muuqata in ay sabab u tahay in DP World xarumo waaweyn oo kayd u ah alaabta ay Berbera ka soo dejiso la dhigo si ay halkaasi uga adeegtaan qaybaha Itoobiya iyo meelaha kale ee soo gaadhi kara.


Loading...
Loading...