Haween Rag Dhexboodaya, Hidiyo Dhaqan May Ahayne, Hablow Miidiyaa Ka Hadha.
TU KHAASANA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-HAWEEN RAG DHEXBOODAYA,
HIDIYO DHAQAN MAY AHAYNE,
RAGGIIBA LA KALA HORAAYEE,
HABLOOW MIIDIYAA KA HADHA,
2-HAWRAARTIYO MAANSADIYO,
HEESIHII HOYGIYO CARUURTA,
HAWEENKEENA U GAAR AHAA,
HALKEEBAA KAGA TAGTEEN?.
3-HIBADIINII HAGAAG SANAYDEE,
HIGAADII AFKAN HOOYADEENE,
UBADKEENU KU HADAAQI JIRAY,
HUF IYO BEEN MIYAA BEDDELAY.
4-HALKAA NIMANKAYDIN DHIGAY,
HOGAANKII IDIN HANAN LAHAA,
HAWLAHOODI MARKAY GABEEN,
HALKOODIIBA TAAGGAN TAHIIN.
5-HOOYIYO WAA WALAALAHEENE,
MIYAAN HAL XUN ODHAN KARA,
HADDAAN HADAL LAGA TEGAYN,
HADDAABA HOLATAAN HUBSADA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!