Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dhexdhexaadiyey Ergooyin Ka Socday Labada Ardaa Ee Saylici Iyo Saajin

0
Monday September 21, 2020 - 22:01:54 in News by
  • Visits: 2982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dhexdhexaadiyey Ergooyin Ka Socday Labada Ardaa Ee Saylici Iyo Saajin

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dhexdhexaadiyey Ergooyin Ka Socday Labada Ardaa Ee Saylici Iyo Saajin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dhexdhexaadiyey Ergooyin Ka Socday Labada Ardaa Ee Saylici Iyo Saajin

Kulan maanta ku dhex-maray caasimada Hargaysa labada ardaa ee madaxweyne ku xigeen Saylici iyo wasiirka ganacsiga Saajin ayey labada dhinac isku mari-waayeen mawqif-yadoodi kala duwanaa ee ay kala damacsanaayeen.

Wasiir Saajin oo ka hadlay Tartanka u dhexeeya isaga iyo Saylici. | Somaliland Eye

kulanka labada ardaa ee wada tirsan beelaha Samaroon ayaa ku soo dhamaaday natiijo la,aan waxaanay labada dhinac ku kala tageen in cod lagu kala saaro madaxweyne ku xigeen Saylici iyo wasiir Saajin marka la gaadho shirweynaha afaraad ee xisbiga Kulmiye oo ay ku tartami doonaan gudoomiye ku xigeenka 4aad.

Dhinaca madaxweyne ku xigeen saylici ayaa iyagu dalbanaya inaan lagula tartamin jagadaas si dimuqraadi ah, balse dhanka wasiir saajin ayaa iyaguna gaashaanka u daruuray dalabkaas ka yimid dhinaca madaxweyne ku xigeenka iyaga oo sheegay in wasiir Saajin uu diyaar u yahay tartan dhexmara madaxweyne ku xigeen Saylici.

Kulankan labada ardaa dhexmaray waxa ku wehelinayey wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin, mulkiilaha huteel guuleed, iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye axmed cabdi dheer!!

Loading...
Loading...