Xisbiga Kulmiye Oo Martiqaad Baryootan Ah U Diray Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Habarjeclo Ee Hargeysa Ku Sugan
Hargeysa(HWN):-xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa martiqaad u diray dhalinyarada iyo waxgaradka Hargeysa ku sugan ee ka soo jeeda beesha bariga Burco.
Ujeedada martiqaadka ayaa lagu sheegay inay tahay qado lagu sharfayo dhalinyarada iyo waxgaradka beelaha Habarjeclo ee ku sugan magaalada Hargeysa kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey yeelanayey kulamo ay kaga tashanayaan xisbiga Kulmiye.
Dhalinyarada iyo waxgaradka beelaha Habarjeclo ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa intooda badani ay la safan yihiin siyaasiga miisaanka ku leh xisbiga Kulmiye ee Maxamuud Xaashi kaas oo hada u muuqda inuu ka sii xuub siibanayo kasii mid ahaanshaha xisbigaasi.
Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in martiqaadkan ay ka dambeeyeen wasiirada ka soo jeeda beelaha bariga Burco kuwaas oo doonaya in dhalinyarada iyo waxgaradka beeshooda ay dib ugu soo dabaalaan xisbiga Kulmiye oo hada u muuqda mid luminaya taageeradii ay u hayeen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhalinyarada iyo waxgaradka beelaha bariga Burco eeku sugan magaalada Hargeysa ay ganafka ku dhufteen martiqaadkaas isla markaana ay sheegeen inaanay ka qayb galayn, taas oo sababtay dad laga ururinayo suuqyada Hargeysa oo la doonayo in maalinta bari ah lagu sheego dhalinyaradii Habarjeclo oo taageertay xisbiga Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee beelaha bariga Burco ayaa ilaa hada u muuqda inay ka sii xuub siibanayaan xisbiga Kulmiye iyaga oo intooda badani ay la safan yihiin siyaasiga Maxamuud Xaashi.