Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La yeeshay Wefti Ka Socda Midowga Yurub, SWEDEN Iyo UK
Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La yeeshay Wefti Ka Socda Midowga Yurub, SWEDEN Iyo UK

Hargeisa(HWN):-Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socday Midowga Yurub iyo dalalka Sweden iyo UK.

Weftigan oo uu hoggaaminaayay Safiirka midowga Yurub Nicolas Berlanga, ayaa ku wehelinnaayay Safiirka Sweden Staffan Tillander iyo Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Stuart Brown, waxaanna la iska xog-waraystay halka ay marayso hawlaha doorashooyinka iyo habsami u socodkoodda.
Sidoo kale, waxa kulankaas lagu soo qaadday dhammaystirka wixii caqabaddo ah ee la xidhiidha doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka.
Waxa kale, oo kulankan lagaga wada hadlay guud ahaan arrimaha doorashada Somaliland oo hawlgalkeedii hadda socdo iyo sii xoojinta doorka taageero ee ay beesha caalamku Somaliland ka siiso arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo hirgalinta doorashooyinka.
Loading...
Loading...


0 





