Caqabad Hortaagan Qorshe Mareykanku La Damacsan Yahay Iran

0
Monday September 21, 2020 - 17:29:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabad Hortaagan Qorshe Mareykanku La Damacsan Yahay Iran

    Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan taageeri doonin cunaqabateyn lagu soo rogo Iran oo uu Mareykanku dalbanayo illaa buu yidhi uu ogolaansho arrintaasi ah ka helo Golaha Ammaanka ee QM.



Madaxa QM ayaa ku sheegay warqad uu u diray Madaxweynaha golaha oo Axadii ay heshay Wakaaladda wararka ee AP in ay muuqato hubanti la'aan ku saabsan in Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo uu kiciyay hanaanka dib u soo celinta cunnaqabateynta ee ku saabsan qaraarka Golaha Amniga ee dhigaya heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 dhex-maray Iran iyo lix quwadood oo waa weyn.

Wuxuu sheegay in xoghayaha guud uusan go’aan ka qaadan karin hubanti la’aanta jirta awgeed uuna u baahan yahay cadeyn ka timaadda golaha ammaanka.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan dowladda Mareyka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Rueters in dowladda Mareykanka ay maanta oo Isniin ah cunaqabateyn kusoo rogi doonto in ka badan 20 qof iyo hey’ado ku lug leh niyukleerka, gantaallada iyo barnaamijyada hubka caadiga ah ee dalka Iran.

Sarkaalan oo qariyay magaciisa, ayaa sheegay in Iran ay heysato qalab ku filan oo ay ku diyaarin karto hub niyukleer ah dhamaadka sannadkaan, isla markaana ay Iran billowday tijaabinta gantaallada riddada dheer iyada oo iskaashi la sameyneyso dalka Kuuriyada Waqooyi.

Ma uu san bixin wax faah-faahin ah oo tusinaya caddeyn ku saabsan xogta hubka niyukleerka Iran.

Cunaqabateynta cusub ee la filayo in mamaulka Trump uu maanta saaro shakhsiyaad iyo hey’ado ku lug leh hubka Iran, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu Madaxweyne Trump dhex-dhexaadiyay heshiis ay xiriir diblamaasi ku sameysteen dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Israel

Xigasho:-VOA-Somali

Loading...
Loading...