Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shirka Culimada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Qabsoomaya

0
Sunday April 21, 2019 - 19:38:06 in News by
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shirka Culimada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Qabsoomaya

    Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shirka Culimada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Qabsoomaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Shirka Culimada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Qabsoomaya


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.

Image may contain: 2 people


Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.

Image may contain: 4 people, people standing and suit

"Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna."


Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka.

Image may contain: 2 people, people standing and suit


Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta.

Image may contain: 2 people, people sitting and hat

Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.



DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Loading...
Loading...