Maxaa Naga Haysta Dalkayaga.

0
Monday September 21, 2020 - 09:22:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Naga Haysta Dalkayaga.

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle
Walaalkay Marxuun Xildhibaan Aadan Tarabbi Oogle wuxuu ka mid ahaa aas aasayaashii Nabada ee Soomaalilaan, nabaddan keentay horumarka iyo degenaanshaha.


Caruurtiisu waxay badiba Ku dhasheen Muqdisho, markii dhimbishii SNM siraaday dagaalkii Soomaaliya, inyar ka hor ayaa caruurtiisu, qaarkood waddamada galbeedka galeen, iyaga oo lahjaddoodu tahay Soomaaliya, haddana waxay Ku xabeebsan jireen difaaca Somalilaan.



Waxa jirta in Inantiisa curad, Marwo Ayaan Aadan Tarabbi, dhul lacag qaali ah Ku jooga ay ka iibsatey Burco, markay gunaanadkii  Dhismaha iyo dul ka saarkii marayso, in nimankii dhisayey lagu yidhi, sharci ma aha in aad halkan dhistaan, waxaa mari doonta waddo. Iyada oo waddo marto aqalka hortiisa iyo dhinaciisaba. Waxaa jirta in Duqa magaaladu, shiikh Muraad dhiilada warkani gaadhey.


Waxaan halkan idiinku soo lifaaqay sawir muujinaya in gaydhka guriga uu ka dambeeyo ciidda tuuran, sekedina la siman tahay ciidda. Dooni meyno wax sharci darro ah, waana in la xaqiiqsadaa in maalgashigu dalka iyo dadka wax weyn kusoo kordhinayo. Dawlad sare iyo mid hooseba waa in la dhiiri geliyaa.


Isweydiintu waxa weeye _ maxaa markii hore dowlada hoose u ogolaatay in dhulkaa inta la kala iibsado, weliba loo Kala wareejiyo?_ maxaa xiligii la dhamaynayey guriga loogu soo beegay amarka joojinta dhismaha?.


Xigmad baa tidhaahda; labo ayaa ku sheega- dulqaadkaaga marka aad faro madhan tahay iyo dhaqankaaga marka Illaah kuu xantoobiyo.


Carruuraha la dhacay, Awliyada laga cadhaysiiyey, Carshigaaba laga soo aqbalay, Cabashadoodiiye, Caawaa la kala soocayaa, Caabud iyo gaale, Cisho aan fogeyn waxa is bedeli, Ciidan faro weyne, Caaddaa rag koray buu nabsigu hoos u soo celinne, Caanuhu dhowaan way ka quban, Ciidan faro weyne._Abwaan Qaasim.

Bashiir Tarabbi Oogle,
Burco, Soomaalilaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...