Isbadelada Gobolka Geeska Africa Iyo Isku Ekaanshaha Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalalka Somaliland Iyo Somalia ,
			Iyo Waxa La Odhan Karo Way Sababeen !!                        

	   
		
   
		
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
   
		
		 
   
  
   
		
		 
   
  
   
		
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
   
		
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
   
		
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
		 
   
  
   
		 
   
  
   
		 
   
  
    
        
    
    
                  Somalia waxa mudo dheer la isku haystay doorashooyinka iyo sidii ay u
 qabsoomi lahaayeen,  nooca ay noqonayeen iyo waliba xiliga la 
qabanayey,  dabcan waxa jiray aragtiyo iyo kala fogaansho uu arinkaasi 
keenay.
   
            
		 
  
 
  
   Waxa haddaba heshiiyey madaxdii maamul goboleedyada Somalia iyo 
Madaxwaynaha Somalia oo ka dhinac ahaa,  iyo waliba iyaga oo aan ka 
mideysnayn maamul goboleedyada madaxdoodu wax badan,  haddana waxa la 
isla qaatay in uu Madaxwayne Farmaajo tanaasulo oo la galo doorasho. 
		
   Arimahani waxa xooga saaray oo tacab badan galiyey beesha caalamka oo
 u arkaysay in khilaafka siyaasadeed abuuri karo xasilooni daro ka 
dhacda dalka oo ay burburaan wax mudo badan tacab iyo dhaqaale lagu soo 
bixinayey,  sidoo kale oo uu istaago geediga dawlad dhisida Somalia , 
iyada oo laga cabsi qabo ururada argagixisada iyo cidkasta oo aanay dan u
 aheyn xasiloonidu. 
		
   Madaxwaynaha Somalia waxa uu jeediyey laakiin hadal iyo khudbad ku 
lidi ah dedaalka beesha caalamka , waxa aanu ku nuux-nuuxsaday in uu u 
tanaasuley danaha dadka soomaaliyeed iyo in aanay maamul goboleedadu 
dawlada dhexe ka xidhiidh furan,  maadaama ay Somaliland uyadu awelba 
dawlad gaar ah ahayd ayuu hadalka u dhigey.
   
		 
  
 
  
   Si kasta oo ay ahaataba hadda waxa la galay xaalad xasiloon oo la 
isku diyaarinayo doorasho  aadna la iskugu wada raacay mucaarad iyo 
muxaafad oo la soo dhaweeyey,  arinkani waxa uu meesha ka saarayaa in ay
 mudo kordhini dhacdo oo ah waxa Somaliland nidaamkeega dimuqaradiyadeed
 la degay.
   
		 
  
 
  
   Somaliland waxa heshiiyey axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumada uu 
gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Biixi waxaana lagu heshiiyey in 
doorashooyin la qabto,  iyada oo in badan la isku haystay sidii ay dalka
 doorasho uga dhici lahayd oo lagu kala fogaa arinkaasi isla markaana uu
 ahaa khilaaf lagu kala aragti duwanaa. 
   
		 
  
 
  
   Madaxwayne Biixi waxa u tanaasuley axsaabta mucaaridka ah oo la 
qaatay komishankii uu doonayey ee uu ku adkaystay , waxaana la Isla 
qaatay in komishankaasi doorasho qabto , arimahani waxa dedaal ku 
bixiyey beesha caalamka oo aad tacab badan u galisay in la isku soo 
dhowaado. 
		
   Waxa kale oo la xusi karaa in ay axsaabta mucaaridka ah iyo xisbiga 
muxaafidka ahi ka mideysan yihiin kuna heshiis yihiin in ay siyaasadu 
kooto ugu xidhnaato maadaama uu dhow yahay xiligii ururada siyaasadeed 
la furi lahaa sida xeerarka iyo shuruucda dalka ku cad , waxaana loo 
gudbiyey Golaha wakiilada wax ka badel xeerarka doorashada ah.
   
		 
  
 
  
   Haddaba waxa isweydiin leh beesha caalamku maxay ka dooneysaa Somalia
 iyo Somaliland ee ay ula daba socotaa in ay danahooga ka heshiiyaan? 
		
   Halkaasi waxa ku jira wax weyn , beesha caalamku waxa ay rabtaa in 
nidaamka dimuqaeadiyadeed ee wadamadooda ka jira mid la mid ah halkan 
laga hirgaliyo,  taasina waxa u daliil ah xeerarka goleyaasha la 
horkeenayo iyo sida loo buun-buuniyo dhacdooyinka iyo gefafka iyo 
xadgudubyada ka dhaca dalka oo umad ahaan marka horeba aan aheyn wax 
dhaqanka dadka soomaalida ah iyo diinta midna waafaqsan. 
		
   Waa marka labaad e soomaalidu maadaama ay heshiin wayday oo ay iskeed
 u dhameysan wayday arimaheega waalla soo dhex galayaa cidkasta oo dano 
ka lihina waxa ay ka dhex fushanaysaa waxa ay rabto , waxaana ayaan daro
 ah in soddon sanadood Somalia na la isku dhex haysto iyaguna ay 
Somaliland lugta hayaan.
   
		 
  
 
  
   Taariikh baa qormaysa jiilkasta oo joogana ka hadhi doonta,  dadkii 
Somalia iyo Somaliland hogaanka u hayey 30 sanadood ee waxba ku heshiin 
waayey umadiina u taagan tahay oo Somalia na dagaalo iyo xasilooni la 
'aan ka bixi wayday Somaliland na dedaal kasta oo ay ku jirto aanay wali
 helin aqoonsi buuxa iyo dawlad caalamku aqoonsan yahay oo aduunka ka 
mid noqota , in Somaliland dawlad gaar ah noqotana Somalia waxa ay kaga 
jirtaa dagaalo badan oo kala duwan. 
		
   Arimahani marka aad dhuuxdo waxa aad is odhanaysaa dhacdooyinka jiraa
 waa qaar Soomaali loogu talogalay in aanay halkaasi ka dhaqaaqin, 
 marwalbana waxa sii badata qaybsanaanta iyo kala fogaanta maadaama 
afkaaro, aragtiyo siyaasadeed iyo mabaadii kala duwan la dhex keenay oo 
qolo waliba dhinaceega u taag laadahay culeysyo siyaasadeed khilaafyo 
aan dhamaan iyo murug joogto ah. 
		
   Aragtideyda iyo Arimaha socda 
  
 
  
Muxamed Dhimbiil
      AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





