Maxay Caqabadaha Ku Gadaaman Waddada Madaxtooyada Ee Afarta Haad Laga Dhigayo?

0
Sunday September 20, 2020 - 15:39:56 in News by
  • Visits: 2272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Caqabadaha Ku Gadaaman Waddada Madaxtooyada Ee Afarta Haad Laga Dhigayo?

    Maxay Caqabadaha Ku Gadaaman Waddada Madaxtooyada Ee Afarta Haad Laga Dhigayo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Caqabadaha Ku Gadaaman Waddada Madaxtooyada Ee Afarta Haad Laga Dhigayo?

Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegtay in la balaadhinayo jidka wadnaha ah ee hor mara Xarunta Madaxtooyada Somaliland, kaas oo ay sheegtay in laga dhigi doono mid afar haad ah oo Gaadiidku isticmaalaan.
Image may contain: sky, car and outdoor



Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille oo kormeer ku maray jidkan, ayaa warbaahinta u sheegay in jidka wejigiisa hore laga soo bilaabi doono Huteelka Green Plaza ee Galbeedka Hargeysa, isla markaana lagu joojin doono xarunta dawladda hoose ee Caasimadda."Waxaanu kormeer ugu soo baxnay waddadan la balaadhinayo ee la casriyeynayo. Waddadan oo ah tii magaalada dhex maraysay ee wadnaha ahayd, waana jidka la doonayo inuu noqdo quruxdii caasimadda, waana la balaadhinayaa sidii ay dawladda hoose idin sheegtay, waxaana waddadan laga dhigayaa jid afar haad ah oo balaadhan oo qurux badan” Ayuu yidhi Agaasimaha.

Madaxtooyadu, waxaanu intaasi raaciyey "Waddadani waa waddo wadata laydhadhkeedii, Ishaarooyinkeedii iyo biyo-mareennadii. Jidkan dhismihiisa waxa iska kaashanaya Xafiiska Madaxtooyada iyo Dawladda hoose oo shaqada iyo kharashka wada qaybsanaya.”

Agaasimaha Madaxtooyadu, waxa uu ugu baaqay Shirkaddaha Laydhka iyo kuwa wax xayeysiiya in ay xadhkaha iyo birahooda ka qaataan jidka la dhisayo.
Qorshahan Madaxtooyada iyo Dawladda hoose ku dhisayaan jidka Halbowlaha ah ee Caasimadda, ayaa waxa ku xeeran caqabado keeni kara in jidkan Afarta Haad ahi hir geli waayo, kuwaas oo ay ugu weyn tahay dhismeyaasha soo galay jidkaas oo qaarkood yihiin dhismeyaal dhaqaale badan ku baxay oo rasmi ah, qayb ka mid ah jidkan soo galay, isla markaana u baahan in la dumiyo, haddii la doonayo in qorshahan guuleysto.

Sidoo kale, meherado badan ayaa ka dhisan jidadkan hareerihiisa, kuwaas oo u baahan in iyaga in la dumiyo.
Loading...
Loading...