Muuse Biixi Oo Caddeeyay Mawqifkiisa Ku Aaddan Loollanka Cabdiraxmaan Saylici Iyo Saajin

0
Sunday September 20, 2020 - 15:22:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Caddeeyay Mawqifkiisa Ku Aaddan Loollanka Cabdiraxmaan Saylici Iyo Saajin

    Muuse Biixi Oo Caddeeyay Mawqifkiisa Ku Aaddan Loollanka Cabdiraxmaan Saylici Iyo Saajin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Caddeeyay Mawqifkiisa Ku Aaddan Loollanka Cabdiraxmaan Saylici Iyo Saajin

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa u caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan loollanka adag ee u dhaxeeya Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ee kursiga afraad ee Xisbiga Kulmiye ergo shalay u tagtay oo ka socotay Beesha uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan Saylici.
Xisbiga Kulmiye Muxuu Ka Yidhi Khilaaf La Sheegay Inuu Ka Dhex-qarxay Muuse Biixi Iyo Saylici? | Berberatoday.com


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan dhex maray Muuse Biixi iyo Ergada Waxgaradka ah ee ka soo jeeday Beesha Saylici, hase yeeshee sida way Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhowaa kulankaasi, ayaa tibaaxay in Waxgaradkaasi u bandhigeen Madaxweynaha cabasho la xidhiidha sababta tartanka iyo buuqa loo gelinayo kursiga Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye ee uu wakhtigan ku fadhiyo Madaxweyne kuxigeenku, iyaga oo ku dooday in arrintaasi kala qaybsanaan keentay. Warku waxa uu intaasi ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sheegay Waxgaradkan ka socday Beesha Saylici in mowqifkiisu yahay in arrinka Saylici iyo Saajin ay ka odayeeyaan Salaadiinta iyo Waxgaradka labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan, madaama oo ay tahay in iyaga dhex taalla.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa dhex taagnaa loollan adag oo dibedda u soo baxay, kaas oo ay ugu tartamayaan Kursiga Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Xisbiga Kulmiye oo la filayo in lagu doorto shirweynaha Xisbigaasi ee bisha dambe dhacaya.

Kulamo hore oo lagu doonayey in labadan masuul mid ahaan uu ku tanaasulo, ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, iyada oo mid walba ku adkaysanayo isaga loo daayo.

Loading...
Loading...