Golayaal Wakiiliyo, Garsoorkiyo Fulintaba,Geyi Welibaleyahay, Guurtibanu Dheerahay

0
Sunday September 20, 2020 - 09:07:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golayaal Wakiiliyo, Garsoorkiyo Fulintaba,Geyi Welibaleyahay, Guurtibanu Dheerahay

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

GOLAYAAL WAKIILIYO,GARSOORKIYO FULINTABA,GEYI WELIBA LEYAHAY,GUURTIBANU DHEERAHAY;

BISMILAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM(S.C.W.R.W.B)

TUKHAAS AHNA BAGDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

  1-GOLAYAAL WAKIILIYO,GARSOORKA IYO FULINTA,GEBI WAA LA LEEYAHAY

   GUURTIDANU DHEERAHAY RABI NAGU GALADAYE,GARTINAGU ADKATABA,

   GO’ANKEDA GAADHEE GODKEDII DHIGAAYEEN,GEESNA LOOGA BAYDHAYN,

   GAALADA WARKOODIYO GUMAYSTAHA MA YEELE,TAAYADAANU GUDANAA.

 

2-GAARAA BIDHAANIYO GUDCUR LAYDH MA MOODNE,CADADAANU GUURAA,

    GOBOL WALIBA KELIDII MADAXWEYNE GAARIYO MA LEH,DAWLAD GOONIYA,

    GAADH CADAW MA DIRANO GEYGANO ILAASHE,GEESHASH IYO BILEYSAAN,

   GABASHADA AQOONOO GUBAYA MEESHA UU GALO,GEESIYANU LEENAHAY.

 

3-GAADIID QAAD MA RARANO AFRIKANKU SOO GURAY,QUWAD GAAR U TABARAN,

    DALKA LAGU GARDAADSHO GELIN DEYN SHISHEYO,GOB AH BAANU LEENAHAY,

    GAASIRTE CIIDANKIINI GURAANGUR BAY NOQDENO,GEESBA QAAR KA NEENTO,

   GACAN GELI SHISHEEYUHU GUMAYSTAHA U LOOGTEEN,IYAGAAN ISGARANAYN,       

 

4-BAL MAXAASE IGA GALAY GARAB MIYAN KA SUGAYAA,GEESKABA KA II NECEB,

    GACAL INAANU NOQONO GARABKIISA SOO DEGO, IGA JECEL KU GAWRACAY,

    GACNTOODA EERSADE MEELA GAADHI MAAYAAN,ANANA WAY GALAAFTEEN,

    GO’AANA BXAY KU GAADHEEN HAYNALA GUMOBEN,GONDAA JARA WALALKIN,

   

5-GARTOOD WEEYE TALO XUMO,GUMAYSIGI U LIITIYO,GARASHADI FASHIISTAHA,

    GAALO IYO CAMALKEED,AYAY GOLAHA KEENEEN,RAGA  OO ISGUURSADA,  FICI

    GABADHU HAYS AROOSAN, ,GUUDKA WAX ISKA FULAA,GEF INAYSAN NOQONO,

    GAAR AY U TAHAYOON,SHARCIGUNA KU FAROGELIN,XORNIMADA GUDANAYAN.

   

6-GOBLAN TALO ADUUNYOY,LAGA GUDUB XUDUUDI,GURMADA WAA GABAABSIYE,

   GAADHAY XAAJO HALISTII,GOLUU DIIDE DHAWR GOOR,CULUMADISE GAABSADE,   

   GUDOON WEEYE XALANOO,GUUDKAA LAGA XUKUMAYE,GUULAHAYSE LEEDAHAY,

   GULUFBAW MALEEGANE,U GARGAAR ISLAAMKOO,GARABNA SII ALLAHAYOOW.

                                                                        ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...