Dhismaha Guryaha Shaqaalaha Dawladdu Waa Majarahabow Kale

0
Saturday September 19, 2020 - 20:05:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhismaha Guryaha Shaqaalaha Dawladdu Waa Majarahabow Kale

    W/Q: Abokor Baaruud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abokor Baaruud

Iyadoo muddoba hadal haynta u badani ahayd inaan maskaxda madaxweyne Muuse Biixi weli ka korin nidaamkii fashilmay ee hantiwadaaga ayaa haddana waxa maalinba maalinta ka damabysa iska daba imanaya waxyaalo arintaa xaqiijin u noqon kara.   Qaramaynta ganacsiyo ku jiray gacanta gaarka oo dawladdu la wareegtay iyo sharciyada iska daba imanyayey ee wasiirka ganacsiga oo dhabar jab weyn ku noqon kara kobaca ganacsiga xorta ah oo ah ka hadda hagaya horumarka dhaqalaha ee dalka ayaa ahaa bilowga fikrado dib usocodnimo weyni ku dheehantahay oo dawladdu ku talaabsatay.  Taa waxa soo labeeyey markii dhowaan wasiirka technloojiyadu uu isna ku dhawaaqay in tartanka xorta ah ee u dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta bixiyaa, oo ah kuwa ugu hanaqaadsan Afrikaba,  uu yahay mid aan loo baahnayn oy tahay in la xakameeyo.   Waa tartan ganacsi xor ah waxaa uu leeyahay waa in la xakameeyaa!!

 

Intaas oo dhan waxa barbar socday nidaam darrada dhinac beeraha oo si  aan qorshe iyo ka fiirsasho lahayn marna lacag lagu saydhayey marna la lahaa wax aan aanay suurtogal ba ahayn inay dalka ka baxaan ayaa la beerayaa si siku fiklaansho loo gaadho. Waxaynu tilifishanada ka arakaynay  beero la leeyahay waxa qodonaya ciidanka booliska.  Meeye beeralaydii ama shirakadihii gaarka ahaa ee dhulkan beeran lahaa, maxaa dawladda u geeyey inay wax beerato.

 

Isla toddobaadkan ayaa Wasiirka Hawlaha Guud uyo Guriyeynta uu isna hor keenay golaha wasiirada qorshe uu ku sheegay in guryo loogu dhisayo shaqaalaha dawladda.   Tani waa astaan kale oo muujinaysa garaadka hoose xukumada hadda jirta.  Waa fikrad ka soo baxday caqli aan weli garan in laga soo gudbay xilligii dawladda oo keli ah loo shaqayn jiray.  Waa arrin wanaagsan in dawladdu dhisto guryo loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeyo oo noqon kara kuwo dawladda u sheqeeya, kuwo qaybta gaarka u shaqeeya iyo kuwa aan shaqaynba oo weliba iyagu mudnaanta kowaad leh.  Xukumada waxa la gudboon inay shaqaalaha dawladda u shaqeeya mushahar ku filan siiso, dadka dan yarta ah oo dhanna  guryo jaban u dhisto waaba haddii dhlaqaalaheeda la hayee, laakiin maaha inay ku meerasato waxyaalo lag soo gudbay oo shaqyn waayay.

 

Arrimahan iska daba imanayaa ma tusayaan oo keli ah tayo xumada wasiirada xukuumadda hadda jirta ee waxay kaloo tusayaan tayo la’aanta la taliyeyaasha madxaweynaha.  Ma laga waayay la taliyaasha madaxeynaha mid keli oo yidhaahda madaxeyne, shaqaalaha dawladu waxay ka mid yihiin bulshada dalka ku dhaqan, iyagaanay u taalaa hadday guryo dhisnayaan iyo hadday kiransnayaanba laakiin waxa loo baahanin la helo nidaam dadka oo dhan u sahlaya inay guryo dhisan karaan ama kuwo dhisan iibsan karaan.

 

W/Q: Abokor Baaruud

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...