Qorshaha Cusub ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland Guryaha Loogu Dhisayo

0
Saturday September 19, 2020 - 20:01:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Cusub ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland Guryaha Loogu Dhisayo

    W/Q: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye



Guud ahaan shaqaalaha Dalku  waxuu horumar sameeyaa marka Dawladda ama maamulka uu ka tirsanyahay ka kafaalo qaado Hoygii uu ku noolaan lahaa ee uu ubadka ku korsan lahaa, baahidaasi marka ay ka qarsoonto waxuu habsami u gudan karaa shaqadii qarankiisu u qormeeyay, taasina waxay kor u qaadaa oo wanaajisaa adeega loo qabto bulsho weynta.


Shirkii Golaha Xukuumada Somaliland ee maalintii shalay 2020/09/18 oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shir guddoominayay  ayaa la hor keenay qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha Dawladda qorshahan oo Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyayntu soo diyaarisay ayaa Wasiirka Wasaaradaasi sharaxay qaabka iyo naqshada guryahaasi yeelandoonaan islamarkaasna ay diyaariyeen dhulkii guryahaas laga dhisi lahaa dood iyo falanqayn dheer ka dib qorshahan   waxaa lagu ansaxiyay siyaasad cusub.


Qorshahan cusub ee Somaliland wado hadii uu noqdo mid lagu guulaysto waxuu kor u qaadi doonaa nolosha shaqaalaha Dawladda waxaanu kobcin doonaa dhaqaalaha ama dakhliga soo gala waxaana u soo hadhi doona kharshyaadkii ay ku bixin jireen guryaha ay kiraystaan, shaqaalaha dawladu inta badan waxay ku doodaan in mushahaaraadkoodu aanu si fiican u daboolin baahiyahooda


qorshahan cusub ee dawladda Somaliland ansaxisay  marka sifiican loo maamulo waxuu noqon doonaa mid waara oo dhaqaalaha Dalka iyo Dadka kor u qaadi doona


Somaliland xiliyadii mustacmarada waxaa dusha ka ilaalin jirey ama maamulayay Boqortooyadii Ingiriiska, meelahii ay magaalooyinka ka deganaayeen waxaa ay ka dhiseen guryo ay ugu talagaleen shaqaalahii kala duwanaa ee u shaqayn jirey. magaalada Hargaysa waxaan ka timaami karaa Gurahii loo yaqaanay INDIA LINE Guryaha Baananka, Guryaha Beeraha, Kuwa Caafimaadka, Laynka Bilayska, Laynka Mualatariga, Xaafadda Ilaalada  waxaa iyaguna jirey guryo xiliyadaas loo dhisay shaqaalahii caafimaadka ee ka hawlgeli jirey Cusbataaladii ay Ingiriisku ka dhiseen gobolada dalka


Waxaa iyaguna raadadkoodii sii muuqdaan Guryahii xukuumadii dhexe ee dalweynahii Soomaliya la odhan jirey ay u dhiseen shaqaalahii Dawladda, markaan eegno Caasimada Somaliland ee Hargaysa waxaa ka mid ahaa Guryaha Baananka, Guryaha Bilayska, Waxbarashada iyo guryo kale oo ay ku kordhiyeen kuwii Ingiriisku dhiseen


Qorshahan hadii uu guulaysto waxuu noqon doonaa mid soo celiya is dhex galkii bulshooyinkii wada noolaa ee ka madaxa banaanaa kala qaybsanaanta iyo qabyaalada waxaana halkaas ka soo bixi doona jiil wada jira oo isku duuban oo isku dan ah.


Dhinaca kale waxay noqondoontaa dhaxal lagu xusuusan doona xukuumadda talada haysa Wasaaradda Hawlaha Guud  iyo cid walba oo qorshahan sii horumarisa ama ka qayb qaadata.

 

Wabilaahi tawfiiq

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...