Faallo:-Xisbiga KULMIYE Iyo Beesha Arab Oo Kala Dhaqaaqay!

0
Saturday September 19, 2020 - 18:23:23 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:-Xisbiga KULMIYE Iyo Beesha Arab Oo Kala Dhaqaaqay!

    Ujeedkeennu maaha in aynu dib u milicsano aasaaskii Xisbigaas, balse waxaynu Qormaddan ku eeggaynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedkeennu maaha in aynu dib u milicsano aasaaskii Xisbigaas, balse waxaynu Qormaddan ku eeggaynaa

Hargeisa(HWN):-Xisbiga talada haya KULMIYE markii ugu horraysay aasaaskiisii waxa shurraako siyaasaddeed iyo mid is xulufaysiba ku ahaa saddex reer oo beesha dhexe ah, kuwaasoo Xoog iyo Xoolaba la garab taagnaa Xisbigaas KULMIYE.
Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii guddiga | Caasimada Online


Ujeedkeennu maaha in aynu dib u milicsano aasaaskii Xisbigaas, balse waxaynu Qormaddan ku eeggaynaa saddexdii beelood ee Xisbigaa KULMIYE shurraakadda siyaasaddeed ku ahaa si caddaalad ah ma u hir-galay oo ma loo qaybsadday Kurraastii Xisbigaas? Haddii aan loo qaybsan yaa ku qadday oo Xaqooddii laga duudsiyay? Horta siddeedaba Siyaasaddu maaha wax Hadyad la isku siiyo ama la isu garto, balse waa Ciyaar u baahan inaad Booskaaga xejisato, isla markaanna aad isha ku hayso markasta danaha siyaasiga ahi maalin-ba meesha uu taagan yahay, taasoo ah inaad fahmi karto sida ay u socoto Ciyaarta siyaasaddeed ee Somaliland ka socota.

Haddaba, beesha Arab waxay ka mid ahayd Saddexdii beelood ee Xisbigaas aasaaskiisii qaybta ka ahaa, waxaannu xumaadday xidhiidhka beesha Arab iyo Xisbiga KULMIYE markii uu Madaxweynihii hore si sharciga Xisbiga baalmarsan uu Xisbigaas ugu wareejiyay beesha uu ka soo jeeddo Muuse Biixi Cabdi, talaabaddaas uu Ahmed Siilaanyo qaadday waxay ahayd halkii ugu horraysay ee xumaysay shukaarradii lagu ahaa Xisbiga KULMIYE oo Beesha Habarjeclo, Arab iyo Habar-awal uu ka bilaabmay, hase yeeshee talaabaddii taas ku xigtayna waxa qaadday Muuse Biixi Cabdi, kadib markii uu sheegay in Jagadda Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE oo markii hore Shirweynaha lagu doorran jirey, in imika laga dhigay boos uu doonnaayo innuu soo magacaabo Muuse Biixi Cabdi, taasoo ah ka dhiggan inaan beesha Arab waxba u oollin Xisbiga KULMIYE. Haa, Ninkii tuhun kaga jirey KULMIYE haku quusto! Araboow waakaas Muuse ka tashadda oo siyaasaddu waa danne, oo dan baa la guurraaye halka dantiinu ku jirto si fiican u fahma.

Waxaase iswaydiin mudan, haddii xisbigii KULMIYE ay Habarjeclo ka dareertay, Arabna ka dareeray, xisbiga KULMIYE beesha Habar-awal ee ku hadhay kaligeed ma is bixin kartaa? Muuse Biixi-se muxuu ku badashay Codkii iyo miisaankii beelahaasi lahaayeen? waynu arki sida ay noqoto siyaasaddii Muuse Biixi ee gacan maroor-jiska ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, beesha Arab oo Murashaxeeddiina laga horjoogsadday innuu ku tartamo Kurraasta Xisbigaas, Xoghayihiina uu Muuse Biixi rabo innuu ka dhigo mid la soo magacaabaayo, waxay marag cad u tahay sida ay beeshaasi Xisbigii KULMIYE faro madhan uga jooggaan.

Loading...
Loading...