La Soco Aduunka , Urur Goboleedka Cusub Ee HOAC ''.

0
Saturday September 19, 2020 - 10:35:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    La Soco Aduunka , Urur Goboleedka Cusub Ee HOAC ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Sidda ay sheegayaan xogo ay faafiyeen mareegaha wararku , 3 dawladood ee Somaliya , Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku heshiiyey urur goboleed cusub oo magaciisa loo bixiyey Horn of africa corporation ( HOAC) urur goboleedkaas oo ujeedadiisa laggu sheegay  aasaaska suuq ganacsi oo ka dhaxeeya wadamada bariga iyo koonfurta afrika iyo dhismaha ciidamo wada jira oo u taagan nabad ilaalinta bariga afrika ( Eastern Africa stand by force ) .



Heshiiska dhismaha urur goboleedkan  oo ay saxeexeen sadexda hogaamiye ee sadexdaa wadan 27-jenuary 2020 , ayaa laggu heshiiyey  in lagga ansixiyo ururka midnimadda Afrika  .


Ururkan HOAC ayaan ujeedooyinkiisa rasmiga ah weli aan shaaca lagga qaadin , baarlamaanadda wadamadaasna aan lasoo hordhigin , welina ma cadda  mabaadida rasmiga ah ee ururkani u taagan yahay .


Dhinaca kale , wadamadda Kenya , Sodan , Djabouti iyo Uganda oo xubno ka ah urur goboleedka Igad ayaan qayb ka ahayn ururkan , iyadoo loo arko in ururkani  yahay mid meesha ka saaraya ururkii Igad .


Geesta kale , xaaladaha amni ee wadamadan ayaa ah kuwo aan degenayn , wadamadda Itoobiya iyo Soomaaliyana mid walba waxaa haystay culays nabadgalyo , waxaana adag isu socodka dhexdiisa , sidoo kale Ereteriya iyo Itoobiya ayaa iyaguna kala xidhan oo aanay jirin isu socod u dhaxeeya oo dhinaca dhulka  sidaa darteed waxaan suurta gal ahayn suuq ganacsi oo dhex mari kara wadamadan .


Si kastaba ha ahaatee , gobolka geeska afrika waxaa ka socda isbadalo waawayn , waxaana kusoo wajahan loolanka wadamadda waawayn ee ku loolamaya siyaasadaha caalamka , waxaana durba muuqata sida wadamadda geesku ugu kala qaybsamayaan , sidaa darteed Somaliland waxaa la gudboon in ay si dhaw ula socoto waayaha hareeraheeda ka socda , ciyaarahana dhinaceeda ka gasho .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...