Surre (Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-Madoobe)

0
Saturday September 19, 2020 - 09:27:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Surre (Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-Madoobe)

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir
Surre, waa Kheyre Xasan Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).


Surre, waa Aadan-madoobe, oo waa Maxamed Abokor, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.

 

Xasan Ugaadh Aadan-madoobe, waxa uu dhaley:

1-    Kheyre Xasan Ugaadh Aadan Maxamed Abokor

2-    Faahiye Xasan Ugaadh Aadan Maxamed Abokor

3-    Axmed Xasan Ugaadh Aadan Maxamed Abokor

4-    Beyle Xasan Ugaadh Aadan Maxamed Abokor

 

Surre, waa qeybihihii Aadan-madoobe, ee dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad, dhinacaas Koonfureed u qaxdey, ee gobolladaas Koonfureed ku kala baahdey, ee ku tarantey, ee ku tafiirantey.



Surre, sida Aadan-madoobe oo idili, uu u kala baadiyoobey, ayuu isaguna u dibboodey, oo u go’doomey, oo uu tolkii uga go’ay. Waana nasiib darro, oo xataa intii ay Koonfur iskula qaxeen, ee ay isku dhiigga ahaayeen, ee ay isku isirka ahaayeen, ee ay isku abtirsiinta ahaaayeen, ee ay isku Ugaadh Aadan ahaayeen, ee uu Biyo-maal ka mid yahay, ee uu Awrmaal ka mid yahay, ayaanu xataa haybsanin, oo aanu toleysanin, oo aanu ilaa haddeertan la midoobin.


Surre, waa Aadan-madoobe, oo waa saldanaddii Habar Toljecle (Toljecle) u talin jirtey, ee xadaaradda lahaan jirtey, ee ilbaxnimada lahaan jirtey, ee dekadaha iyo maraakiibta lahaan jirtey, ee Carabaha ilaa Hindiya, xidhiidhka ganacsi la lahaan jirtey, oo waa beel fac weyn; oo mudnaan iyo maamuus badan leh.


Haddeer iyo haatan, inkasta oo uu Aadan-madoobe muddo dheer kala maqnaa, oo aanu dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad kala qaxiyey ka dib, aanu dib isku soo wada haybsanin, oo uu sidii u kala tafaraaruqsan yahay, oo uu sidii u kala qolo-qoleysan yahay, waxa hubaal ah, inuu haddeer isku wada baaqi doono, oo uu isa soo wada urursan doono, oo uu isa soo wada toleysan doono; oo degdeg u wada midoobi doono – bi idni Allaah.


Waayo, midnimadu waa xoog aan la soo haweysan kareynin, oo waa muruq aan lagu soo dhiirran kareynin, oo waa cudud aan sadkeeda la damci kareyin, oo cadkeeda aan la damaaci’i kareynin.

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...