Arrimaha Caafimaadka: Oof ( Pneumonia)

0
Saturday September 19, 2020 - 08:29:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha Caafimaadka: Oof ( Pneumonia)

    Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Qoraalkani waxa uu ibo-fur u yahay qoraalo taxane ah oo aan ugu talo galay wacyi gelin caafimaad taas oo aynu maanta ku soo qaadanayno xanuunka oofta.


Akhriste xogta aan kula wadaagayaa maaha mid aad ka maarmi karto dhakhaatiirta caafimaad ee waa keliya inaad wax ka barato xaaladaha caafimaad ee kula soo dersi kara.


Lis Dairy

Oof-tu waa xanuun ku dhaca sambabada kaas oo uu keeno inta badan caabuq haleela qaybta hoose ee hawe mareenka.


Oofta waxa keena inta badan noocyada kala duwan ee il-ma qabatayga sida bacterida oo ah ta ugu caansan, virus-yada, fungi iyo weliba difaaca jidhka bini-aadamka oo mararka qaar horseedi kara oof-wareen.


Xanuunkan waxa lagu kala qaadaa hawadamarka aynu joogno bulshada caadiga ah. Halka lagu kala qaadi karo qalabka caafimaad ee caawiya neefsiga marka ay noqoto dadka cusbitaalada jiifa. Waxa uu sidoo kale qofku ka qaadi karaa goobaha caafimaad gaar ahaan dadka la dhigo cusbitaallada, taas oo loo aaneeyo in ay hawada goobaha caafimaad ku jiraan noocyada kala duwan ee keena oof-ta. Inta badan waxa ay ku dhacdaa qaybtani dadka ku jira cusbitaalada in ka badan 2 cisho ama 48 saacadood.


Waxa inagana inoo dhaqan ah, isla markaana ka mid ah sababaha oofta keena in qofka oo jiifa cunto ama cabitaan la siiyo sida dadka koomada ku jira oo dhuunigaasi galo hawo mareenka sidaana ku tago sambabada dabadeed keeno xanuunka oofta loo yiqaano. Nooca kani waa uu ka halis badan yahay oofta sida caadiga ah lagu qaado iyada oo ay ugu wacan tahay noocyo aan caan ku ahayn dadka caadiga ah oo keenaya noocan.


Ooftu walow ay tahay xanuun aad caan uga ah dunida daafaheeda oo dhan, hadana waxa halis badan ugu jira :-


Caruurta yaryar ee ay da’doodu ka yar tahay 2 jir


Dadka da’doodu ka weyn tahay 65 jir.


Dadka la nool xanuuno kale sida Xiiqda, Macaanka, Wadne xanuunka iyo wixii la hal maala.

Dadka cabba sigaarka


Dadka difaacoodu hooseeyo sida dadka kelyaha loo geliyey ama qaata dawooyinka wiiqa difaaca.

Dadka la tacaalaya xanuunada neerfaha sida faaliga ama dhaawac ka soo gaadhay madaxa.


Ilaahay mahadi ha ka gaadhee xubin kasta oo jidhkeena ka mid ahi waxa ay leedahay siyaabo kala duwan oo ay isku difaacdo. Hab-dhiska neefsigu waxa uu isagu adeegsadaa dhawr hab si uu uga hor tago wixii hadimo gaadhsiin kara. Waxa ka mid ah qufaca, timo yaryar oo ku teedsan hab-dhiskan iyo weliba unugyo difaac oo iyaguna heegan ku jira. Hadaba marka laga adkaado habdhiska difaaceena waxa yimaada astaamaha aynu ka cabano (symptoms) sida:-


Xumad iyo qandho


Madax xanuun


Qufac aan qalalnayn


Naqaska oo ku yaraada


Laabta oo xanuunta marka uu qofku is yidhaa neefso ama uu qufaco


Matag iyo yalaalugo oo mararka qaar qof ku yeelan karo


Waxa mararka qaar qofka lagu arki kara in ay biyo sambabada ka galaan taas oo saamayn ku yeelan doonta neefsigiisa.


Xanuunka kan waxa lagu baadhaa si yaabo kala duwan iyada oo ay ku xidhan tahay waxa keenay waxaase badanaa la adeegsadaa


Shaybaadhada dhiiga

Raajo laabta laga saaro (X-ray)

Qalabka lagu cabiro oxygen-ta dhiiga ku jirta

Candhuufta ( Xaakada) oo la baadho


Mararka qaar waxa loo baahdaa baadhitaano intan ka badan oo ay ka mid yihiin in muunad laga soo qaado hadii ay sambabada biyo galeen iyo in la saaro CT-SCAN.


Xanuunkan waxa lagu daweeya qaybo kala duwan oo ka mid ah antibiotics kuwaas oo dila ama hoos u dhiga bacteria-da keenaysay xanuunka, waxa lagu ladhaa dawooyin xumad jebin ah/xanuun biiye ah, kuwa qufaca iyo hadba wixii uu ka cabanayo bukaanku dawooyin ka caawiya.Dawooyinkan inaad sida uu Dr-kaagu kuugu qoray u qaadataa isla markaana aad joogtaysaa waxay kaa caawinaysaa inaad hore u bogsato iyo in aanad la kulmin dhibaato intaa ka badan sida sambabka oo dheecaan galo iyo bacteriada oo u ku fida xubnaha kale ee jidhka ama se ku soo kacdoonta isla sambabada.


waxa lagu la taliyaa qofka in uu nasto oo aanu tegin ayaamo goobihii shaqada ama waxbarashada iyo inuu biyo badan cabo.


Ma jiro wax si rasmi ah uga hor tegi kara oofta haba se ahaatee waxa aad yarayn kartaa khatarta aad uga jirto in uu kugu dhaco xanuunkani. Waxa aad ku yarayn karto waxa ka mid ah adoo qaata dhamaan talaalada dhakhtarkaagu kugu la taliyo gaar ahaan caruurta, kor u qaada nadaafada gaar ah aan gacmaha oo aad maydho mar kasta, sigaarka oo aad iska ilaaliso iyo inaad kor u qaado difaaca jidhkaga adoo adeegsanaya jimicsiga iyo cunto caafimaad qabta.


Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...