Warbixin Ku Saabsan Xaalada Caafimaadka Gobolka Togdheer

0
Sunday April 21, 2019 - 18:50:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Ku Saabsan Xaalada Caafimaadka Gobolka Togdheer

    Xaalada caafimaadka gobolka togdheer oo duruufo badan so martay ayaa maanta waxay maraysa halki ugu wanaagsanayd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada caafimaadka gobolka togdheer oo duruufo badan so martay ayaa maanta waxay maraysa halki ugu wanaagsanayd,

iyado ay hogaanka u hayaan caafimaadka gobolka dad khibrad iyo aqoonti lo baahnaa u saaxiib ah, taasina waxay keentay inu caafimaadki gobolku horumar wayn ku talaabsaday iyado ay noqotay markii kowaad ee wasaarada caafimaadku yeelato maamul daadajin, iyado wali la dardargeliyay waaxda wacyigelinta caafimaadka gobolka isla markaana sare lo qaaday talaaladi la bixin jiray taso fa’iido wayn u leh caruurta, hadaba waxa loona baahanyahay in halkaa laga sii wado horumarka uu caafimaadka gobolku ku talaabsaday.



Waynu ogayn xaalada hospitalka burco sidii uu ahaan jiray hada ka hor iyo maanta halka uu marayo iyo horumarka balaadhan ee u ku talaabsaday haday tahay tayaynta adeegyada uu bixiyo, kor u qaadista bilicda hospitalka iyo waliba kordhinta aqoonta iyo xirfada shaqaalaha ka hawl gala hospitalka, arinkaana waxa amaanteeda leh hormuudka wasaarada caafimaadka iyo agaasimaha hospitalka burco.


Dhinaca kale waxaan la dafiri Karin mashruuca caafimaadka balaadhan ee ka socda gobolka iyado la hawlgeliyay ku dhawaad 30 xanaano iyo dhawr iyo labaatan health post oo ku kalayaala Gobolada Togdheer iyo Daad madheedh, waxa inta dheer labada hospital ee burco iyo oodwayne oo ka qayb qaadan doona daawaynta hooyada iyo dhalaanka iyo qaliinad, taso ay u raacdo umbalace yo isaga gooshi doona deegamadaas.mashruucasi waxa uu si wayn uga qayb qaatay shaqo gelinta dhalinyarada iyado ay nasiib u yeesheen in ay ka hawlgalaan dhalinyaro badan oo jaamacadaha wadanka ka so qalin jabisay, waxa inta dheer bulshadii ku dhaqnayd deeganada miyiga Togdheer iyo Oodweyne waxay aad uga faa’iideysteen adeegyadi caafimaad ee mashruucasi bixinayay, hawshaana waxa amaanteeda iska leh Hormuudka wasaarada caafimaadka iyo isuduwaha caafimaadka gobolka Togdheer.


Gunti iyo gebogebadi, waxan so jeedinaya in aan cid walbaaba waxay doonto TV ga ka odhan ama aanay websites ka kuso qorin balse cidi qiimaynaysa ama wax ka qoraysa caafimaadka gobolka ay noqoto cid xogogaal u ah caafimaadka gobolka isla markaana ka fayow qabyaalad iyo shaqsi nacayb.


Dr. Shiine Hayaan
Burao Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...