Xaalada Covid-19 Ee Somaliland Iyo Kiisas Cusub Oo La Helay

0
Saturday September 19, 2020 - 08:25:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Covid-19 Ee Somaliland Iyo Kiisas Cusub Oo La Helay

    Tiradda guud ee xanuunkan ka bogsatay dalka Somaliland ayaa noqotay 779 qof

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiradda guud ee xanuunkan ka bogsatay dalka Somaliland ayaa noqotay 779 qof

Hargeysa-(HWN)-Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Fayraska Corona ee dalka Somaliland, iyada oo bulshada in badan oo kamid ah ku baraarujisay in ay aad u feejignaadaan.



 

Madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ka warbixiyey halka ay xaaladda xanuunkaas ee dalku marayso, waxaanu sheegay in afartii maalmood ee ugu dambeey ay ka baadheen xanuunkan 529 qof, waxaanu sheegay in 529-kaas qof ee cudurka laga baadhay laga helay 10 qof oo kamid ah,waxauu sidoo kale sheegay in aanay ciddi cudurkan u dhiman afartaas cisho ee ugu dambaysay.

 

Tiradda guud ee dadka xanuunkan laga baadhay intii xaaladdani jirtay guud ahaan Somaliland ayuu sheegay Madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland in ay tahay 8731 qof , waxaanu tilmaamay in dadkan la baadhay xanuunka laga helay dad tiradoodu gaadhayso 920 qof.

 

Tiradda guud ee xanuunkan ka bogsatay dalka Somaliland ayaa noqotay 779 qof guud ahaan, waxaana xanuunka Corona Viruse Somaliland ugu dhintay dad tiradoodu gaadhayso 33 qof.

Loading...
Loading...