Xildhibaan Dalbaday In Madax Dhaqameedku Ay Dhaliisha Ka Daayaan Golaha Wakiilada

0
Friday September 18, 2020 - 17:43:34 in News by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dalbaday In Madax Dhaqameedku Ay Dhaliisha Ka Daayaan Golaha Wakiilada

    Xildhibaan Dalbaday In Madax Dhaqameedku Ay Dhaliisha Ka Daayaan Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Dalbaday In Madax Dhaqameedku Ay Dhaliisha Ka Daayaan Golaha Wakiilada


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Cumar Saleebaan(Cumar Sanwayne) ayaa ka hadlay dhaliilaha golaha wakiilada uga imanaya qaar ka mid ah madax dhaqameedka somaliland.

Xildhibaan Cumar Sanwayne oo Muuse Biixi Farta Ugu Fiiqay Qaabkii Uu Daahir Riyaale Uga Dabaashay Murankii Doorashadda. | Baligubadlemedia.com


Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka hadlayey fadhi ay lahaayeen golaha wakiiladu ayaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay ka soo baxayeen waajibaadkii saarnaa, isaga oo madax dhaqameedkana u soo jeediyey inay dhaliilaha ka daayaan golahaasi.


Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka hadlaya shaqada ay qabtaan ayaa waxa uu yidhi "Golaha wakiilada, wasaaradaha iyo hay’adaha mid waliba waxay leedahay shaqo u gooniya oo ay qabato , waxaan u malaynayaa odayaal badan oo hadyo jeer ka hadla warbaahinta oo golaha wakiilada ku sheega fadhiid inaanay garanaynba shaqada aanu qabano oo aanu nahay xeer dejin, xeerkana waanu dajinaa ee kuma dagaalano.”


Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Iyagana waxaan leeyahay ka daaya fadhiid ma nihine, qaranka intii aanu joognay xeerar ayaanu u samaynaynay oo aanu u qabanaynay mar walba, wixii waajibkayaga ahna waanu qabsanaynay oo fadhiid ma nihin, waxaanan isleeyahay kalmadaasi waa mid aan meesha qaban.”


Loading...
Loading...