Siyaasi Cabdiraxmaan C/shakuur Oo Fariin Hawada Umariyay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya

0
Friday September 18, 2020 - 17:26:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdiraxmaan C/shakuur Oo Fariin Hawada Umariyay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya

    "Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada"

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay magacaabista ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halkaasi oo uu farriin adag ugu diray, waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani uqornaa sidan:-




 

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

 

Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday.

 

Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah.

 

Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay.

 

Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.

 

Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibteysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad asxaabtaada iyo dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin.

Loading...
Loading...