Xukuumada Muuse Biixi Oo Xeer Cabudhin Ah U Samaynaysa Baraha Bulshada Ee Internet-ka

0
Friday September 18, 2020 - 17:18:47 in News by
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Xeer Cabudhin Ah U Samaynaysa Baraha Bulshada Ee Internet-ka

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Xeer Cabudhin Ah U Samaynaysa Baraha Bulshada Ee Internet-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Xeer Cabudhin Ah U Samaynaysa Baraha Bulshada Ee Internet-ka

 


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay xeer loo samaynayo baraha ay bulshadu ku kulanto ee Internet-ka.

Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL, 26 June, Road 1 (2020)


Agaasimaha guud ee wasaaarada isgaadhsiinta Cali Cabdilaahi Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadu qorshaynayso inay samayso xeer lagula xisaabtamayo dadka isticmaala baraha ay bulshadu ku kulanto.


Agaasime Cali oo ka hadlay qorshaha xukuumadu wado ayaa waxa uu yidhi "baraha bulshada xeerarka loo samaynayo dhinac ayaanu ka soo galaynaa, waana meelaha ay wasaarada isgaadhsiintu xooga saarayso, wasaarada warfaafintana waanu isla wadaagnay oo iyaguna xeerkii saxaafada ayey gacanta ku hayaan, xaga baraha bulshada iyo sifaha qaldan ee loo isticmaalayo ayaa badan, aduunkana xeerar badan oo uu ka mid yahay kan loo isticmaalo tignooliyada(ICT).”


Agaasime Cali ayaa sidoo kale ka hadlay dhibta lagala kulmayo waxyaabaha lagu baahiyo baraha ay bulshadu ku kulanto "Waxa jira imika in sharaftii qof wax lagu yeelo, tii qaranka wax lagu yeelo, tii hay’adaha ayaa wax lagu yeelayaa, tii qofka ayaa wax lagu yeelayaa, mid reerna waxbaa lagu yeelayaa markii sidii la doonaba hadii loo adeegsado dhibkeeda ayey leedahay.”


Go’aankii ay dawladu ku joojisay in lala soo dago qalabka isgaadhsiinta ayuu ka hadlay agaasime Cali waxanu yidhi "Anagu war saxaafadeedyada aanu soo saarnaa kuma socdaan shirkado ee shacabka somaliland ayuu ku wajahan yahay oo qaran ayaanu matalaynaa, shirkado kale duwan ayaa wada shaqayn nala leh, shacabka ayaa nala leh oo qaranka oo dhan ayaa nala leh oo wax naga sugaya, qalabkii la joojiyey in lala soo dago wakhti ayuu leeyahay dhawaana waa la furi doonaa, markaa arimaha maamulka wixii ku yimaada maaha joojin balse waa hakin qaadan karta mudo kooban.”

Loading...
Loading...