Maxaa Dhici Kara Haddii Uu Baarlamaanku Diido Heshiika Doorashada?

0
Friday September 18, 2020 - 17:08:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Dhici Kara Haddii Uu Baarlamaanku Diido Heshiika Doorashada?

    "Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban"

Magaalada Muqdisho, waxaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay shir dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya uga socday maalmihii la soo dhaafay oo looga hadlayay arrimaha ku gadaaman habka iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-ka iyo 2021-ka,waxaana laga soo saaray ugu dambeyn war-Murtiyeed ka kooban 15 qodob .



Heshiiska cusub ayaa meesha ka saaraya heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubalannd. Si loo dhaqan geliyo, heshiiskan wuxuu u baahan yahay in marka hore ay baarlamaanka ansixiyaan.


Qodobbada lagu heshiiyay:

  • In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.

  • In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.

  • In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.

  • In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

  • In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

  • In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

  • In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.

  • in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Haddaba qodobbadaan lagu heshiiyay Baarlamaanku ma ansixin doonaa?

Qodobbadaan lagu heshiiyay waxaa lagu wadaa in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo isla markaana ay ansixiyaan,hasayeshee waxaa su'aal la iska waydiinayaa ma ansixin doonaan baarlamaanku maadama 15-kii bishii Luulyo ee aynu ka soo gudubnay uu guddoomiyaha baaralmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku gacan seyray go'aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.


Muddooyinkii ay socdeen wadahadallada arrimaha doorashooyinka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa qaar badan oo ka mid ah xubnaha golaha shacabku waxaa ay ku doodayeen in ay muhiim tahay in dalka doorasho ka dhacdo iyaga oo u cuskanayay balan qaadkii madaxda sare ee dowladda iyo in sharci ahaan wakhtiga laamaha kala duwan ee dowoladda uu hadda dhamaad yahay.


"Horta golaha shacabku wax uu gaar u leeyahay oo oalaha kale aanu la laheyn waxaa weeye waxaan inaaney u fahmin awood ay leeyihiine in ay is dhaafiyaan ayaa la qaatay"ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da.


Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii xitaa baarlamaanku isku dayo inuu diido ansixinta heshiiskaan laga gaaray arrimaha doorashada Soomaaliya aan loo joojin doonin isla markaana laga socon doono loona arki doono baarlamaanka in ay rabaan in si sharci darro ah ay ku sii joogaan kuraasta.


"Anigu intaan ka fahamsanahay xataa haddii ay ka horyimaadaan waa laga soconayaa oo cidna u istaagi mayso waayo waa niman in ay sii joogaan raba ayaa la leeyahay go'aan ka gaara"


Aragtida qaar ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka

Xildhibaan Mahad salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa barta uu ku leeyahay Facebooka ku soo qoray in heshiis kasta oo ay gaaraan madaxda maamul gobaleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu dhinac madaxweynaha ka fuli doonin waxaana uu intaa raaciyay in madadxweynuhu aanu qaadan go'aan lagu aadayo doorasho. Waxaana uu talo ahaan ugu jeediyay madaxda maamul gobaleedyada in qodobbada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ka bilaabanayso kuna dhamaanayso


"Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go'aan uu doorasho ku aadayo! Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ka bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan," ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.


Go'aannadii golaha shacabka ee doorasho dadban,

15- kaii bishii Luulyo ee aan ka soo gudubnay ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku gacan seyray go'aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.


Kulankii hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qaraar dhigaya in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin xilli uu ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.


Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka wuxuu hadalkan ka sheegay fadhigii bartimihii bishii Luulyo ay xildhibaannada golaha shacabka uga doodayeen akhrinta labaad ee sharciga axsaabta - oo dib loogu soo celiyay golaha.


"Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go'aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas," ayuu yiri Mursal.


Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada ayuu yiri Guddoomiye Mursal".


Inkasta oo hadda lagu heshiiyay doorasho dadban haddana si dhab ah looma oga waxa iska badalay go'aankii guddoonka shacabka ee ahaa in la aado doorasho qof cod ah


Balse Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo shirka Duusamareeb ka hor la hadlayay golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in qodobada shirka ka soo baxa uu baarlamaanka dib ugu soo celin doono.


"Waxaan mar kale idiin caddaynaayaa bacdamaa aad tihiin codka shacabka oo aad matashaan ummadda Soomaaliyeed ayna tahay inaan baranno golahanni wuxuu wakiil u yahay dawlad goboleedyada wuxuu wakiil u ahay shacabka Soomaaliyeed go'aankaa gaartaanna waaa in dalka oo dhan laga aqbalo, waa sida caalamku ku shaqeeyo waxaan idiin cadaynayaa in aan halkan ku soo celin doono heshiis walba oo aan la gaarno madaxda dawlad goboleedyada si aad kaalintiina dastuuriga ah uga qaadataan haduu Ilaahay yiraahdo."ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.

 

BBC

 

Loading...
Loading...