Xasan Cali Kheyre Oo Ka Hadlay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Uu Magacaabay Farmaajo
Muqdisho (HWN) ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay magacaabistii xalay ee wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul wasaraaihii hore ee Soomaaliya Xaasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay inuu soo dhoweynayo ra’iisul wasaaraha cusub, waxa uuna ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in lagu garab istaago gudashada xilkan adag ee loo magacaabay, waxaanu qoraalka Xasan Cali Kheyre uqornaa Sida:-
"Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda, kuna guuleeyo howlaha loo idmaday. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan garab istaagno"