Warqad Furan -Hiil Dacar-Budhuq
M Bashe
Madaxweyne Ha Iyo Wasiirkiisa Daakhiliga Waxaan Leeyahay ' Labadii Tukaw-Bal Maxaad Tarteen' Taagtiinu Waa Ha Ahaato Taiwan.
HIILQARANKANU WUXUU KU JEEDAA REER DACAR BUDHUQ OO MARKA U HORAYSA AAN
MUDDO DHEER UGU DAMQANAAYEY MUSLIMNIMO, SOMALINIMO IYO SOMALILAND NIMO
KASAKAW AH MEESHA AWAWYAASHAY KU DUUGANYIHIIN DHINACA HOOYADA ( DIIRIYE
JAMA IYO IYO XAJI MUSE JAAMAC ) TARANKOODII QAAR BADANI KU DHAQANYIHIIN
DACAR BUDHUQ IYO HAREERAHEEDA. Muddo badan waxaan daawanaayey in
(frequently) dhibaato uu daadku ku hayo dalka iyo baabuurta isaga goosha
wadanka SOMALILAND iyo Somaliyaba oo markaa ku qaado dad iyo xoolo
badan wax ka hortagana aan dawlad iyo shacab laga samayn.
Aniga dhibaato gaara bay igu haysaa meeshaa awawyaashay siddeetan sano
ku duuganyihiin in DAAD YAR OO LA ISKA CELIN KARO DHIBTIISA MAALIN
WALBA DAWLAD IYO SHACAB LAGA DUL OOYO OO AH ARIN CAALAMKU INAGULA YAABO
OO LEEYAHAY WAAR MA KUWAN BIYAHA KA FAAIIDAYSAN LAHAAAYEEN LAYNAYAAN
IYAGOON WELIGOOD WAX ISKA CAABIYA AAN SAMAYN, ma kuwaasaa ICTIRAAF
DOONAYA OO SIDAN INAY DUNI KAGA MID NOQDAAN RABA. maalin maalmaha ka
mida mar aan la kulmay khabiir European ah oo ku takhasusay
(catastrophic) dunida ka dhaca wuxuu igu yidhi dunida waxaa ugu maamul
xun Maamulada SOMALILAND ka Taliya ee daadkaa yar ka hortag samayn
waayey, wuxuu ii raaciyey hadday wax kale samayn waayeen ma waxay garan
waayeen markaa oo daadku soo rogmado laba saacadood inaan loo ogolaan
in gaadhi isku miidaamiyo oo dad iyo xoolo halkaa ku haligo dad badan
iyo xoolo badan ku leedaan markasta. Wuxuu ninkaa khabiirka ahi ii
raaciyey arintani waxay la mid tahay markaa daawaday DACAR BUDHUQ iyo
daadkeeda mid la mid ah arintii ROMANS KII HORE SPORTS KA DHIGI JIRAY EE
OPEN THEATRE KA AHAYD EE MAXAABIISTA LIBAAXYADA LAGU SOO DAYN JIRAY EE
DADKUNA EE DADKUNA u daawasho iman jiray.Casrigan Maamulka SOMALILAND
iyo Shacab ka reer SOMALILAND ceebbay ku tahay inay si gar iyo mag
laaana maalin kasta Dooxa DACAR BUDHUQ UGU MADHAAN DUNIDOO ITAAL
DARADOODA DAAWANAYSA.
ANIGU WAXAAN LA YAABANAY LIX QOF OO MADAXWEYNE HU U HOREEYO , WASIIRKA
DAAKHILIGA, BADHISAABKA, MAAREEYAHA, GUDOOMIYAHA DACAR BUDHUQ, SHEIKHA
MAGAALADA DACAR BUDGUQ U KHUDBADEEYA JIMACAYAASHA intaasoo weliba u
ehel yihiin DACAR BUDHUQ XITAA QABYAALADDII REER DACAR BUDHUQ WEY U
SHAQAYN LA DAY.
WAXAA JIRA TOBAN ARIMOOOD OO DAADADKA DUNIDA LAGAGA HORTAGO, LABADA U
HOREEYA OO QUDHA OO AYNU AWOOD U LEENAHAY haddii la samayn lahaa :
1- toban gacan oo laga duwo biyuhu intaanay soo gaadhin wadada iyo
Magaalada oo lagu faafiyo dagaanada hareeraha si biyuhu isu dhimaan oo u
yaraadaan.
2- laba saacadood oo la joojiyo baabuurta AMAR AHAAN oo isbaaradana lagu dejiyo labada dhinac ee dooxa ee wadada.
Nasiib wanaag wasiirkii gaadiidka dawladda oo ka soo jeeda DACAR
BUDHUQ iyo Mucidaadkii oo DACAR BUDHUQ jooga, Madaxweyne ka soo jeeda
DACAR BUDHUQ, wasiirul daakhiliye xundhurtiisa DACAR BUDHUQ laga
jaray.
Sheikh DACAR BUDHUQ jimcaha ka KHUDBADEEYA haddaanu dhibaatada ka khudbadayn tolaw muxuu ku khudbadeeyaa.
Ayaan darada SOMALILAND haysata markasta Xukuumad dheregtay baa ka tagta mid gaajoonaysaana wey u timaaddaa.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...