Wefti Ka Socda Xisbiga WADDANI Oo Tagay Norway

0
Sunday April 21, 2019 - 16:27:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Xisbiga WADDANI Oo Tagay Norway

    Wefti uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ay weheliyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ay weheliyaan xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, afhayeenka qaarada Yurub ee xisbiga mudane Qaasim Aadan Saleebaan iyo xoghayaha qaaradda Yurub ee xisbiga mudane Maxamed Carab Wacays ayaa maanta (Axad 21, April, 2019) ka ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.



Masuuliyiintan xisbiga WADDANI ayaa u dhoofay dalka Norway oo ay kaga qayb gelayaan shirweyne uu xisbiga WADDANI ku qabsanayo magaalada Oslo ee dalka Norway.


Weftiga ayaa inta ay joogaan Norway waxay kulamo la qaadan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Norway. Waxa kale oo ay kulamo khaasa la yeelan doonaan xubno ka mida dawladda Norway iyo hay’adaha wada shaqaynta la leh Somaliland.


Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid ayaa todobaadadii u dambeeyay joogay dalka Ingiriiska oo ay kulamo kala duwan kula qaateen jaaliyadda Somaliland, taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska.


Afhayeenka

Qaaradda Yurub Ee Xisbiga WADDANI

Loading...
Loading...