Xukuumada Muuse Biixi Oo Geed Sun Ah Ka Beeraysa Banka Wajaale Iyo Muwaadin Soo Bandhigay Khatartiisa.

0
Friday September 18, 2020 - 10:06:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Geed Sun Ah Ka Beeraysa Banka Wajaale Iyo Muwaadin Soo Bandhigay Khatartiisa.

    "halista geedkan, manficiisa iyo in loo baahan yahay oo mudnaan leeyahay ."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"halista geedkan, manficiisa iyo in loo baahan yahay oo mudnaan leeyahay ."

Guddoomiyihii Kaambaynka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalada Geed la sheegay in shirkad aan la aqoonsan oo Shiine ah iyo wasaaradda Beeruhu ka beerayaan Banka carro-sanka ah ee Degmada Tog-wajaale kaasi oo uu sheegay in laga samayn karo sun khatar ah oo halis galin karta amniga qaranka.



Siyaasi Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo baadhitaan ku sameeyey Mashruuca la sheegay in wasaaradda Beeraha iyo koox Shiinays ahi kaga beetayaan geed lagu magacaabo SALLIID Magaciisa cilmiga ahina xagga Ingiriisiga ku noqonayo RICIN COMMUNIS, halka af maalmeedka aan cilmiga ahayn ingiriisi ahaan la yidhaa "CASTER” ayaa waxa uu sheegay in geedkaasi waddanka halis ku yahay dalalka qaarkoodna laga sameeyey sun kiimiko ah oo xataa dadka lagu layn karo.


Xamse Cabdiraxmaan Khayre waxa uu qoraal dheer oo uu arrinka geedkan ka sameeyey ku yidhi sidan: "Hoos waxaa idiinku lifaaqan war Ka baxay warbaahinta dalka qaar Ka mid ah Kaas oo Ku saabsanaa Shirkad la yidhi dalka Shiinaha ayaa laga leeyahay oo la yidhaa "Africa Agricultural Development Group” iney maal-gashanayso banka Tog-Wajaale qayb Ka mid ah oo Ka badan 40%. Waxaa waftiga Shirkada Ka socda dad Shiinaha oo markaa madaxdii Shirkadda ah, dilaaliin Soomaali ah iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane, Muumin Seed. Madaxdii Shirkada ayaa meesha Ka hadashay oo sheegtay iney Ka beerayaan Geedka la yidhaa "CASTER”.


Halka la yaabka iyo fajac Ka soo baxay maaha oo keliya in sugnaanshaha Shirkada cabsi wayn laga qabo maadaama intii Xukuumadani jirto shirkado-beenaadyo badan oo shiine ah dalka lagu baadhay sida tii SOMALILAND-SINGPORE SILK ROAD ee ardayda shaqo qaran u qaadaysay Shiinaha oo wali la sugayo iyo Bangigii Wasaaradda Maalgashiga la saxeexay Mashaariicda halka bilyan markii dambe la waayay ragiina baxsadeen, waxaa cabsida wayn iyo qaylo-dhaanta aan idiinka sidaa waa Geedka laga beerayso ee "CASTER”.


"Waa maxay Geedka Caster:

Xog hordhac ah oo qof looga qaateen ah oo aqoon u leh arimahan ila wadaagay soo diray ayaa u dhigan sidan:Kolay cid aqoon u leh cilmigan ayaa si mug leh uga warami oo Aniga iyo idinkuba aad waydiin doontaane, aniga baadhistaydii aan idiin soo koobi: Geedka Caster/Kaasterku waa  "Salliid” ama dhir u eg "Shunfax” oo magaceeda cilmiga ahi yahay "Ricinus Communis” taas oo meelahaa [gudaafadaha, dooxyada iyo ayga]  iskeed uga bixi jirtay.  Waxaa laga tuujiyaa Saliid  loo adeegsado daawaynta:


-Calool istaaga

-Juudaanka

-Jabtidda/Syphills

-dadejinta foosha xiliga dhalmada.

Waxaa kale oo loo isticmaalaa kala-fogaynta/xakamaynta dhalmadda iyo in lagu dhaashado mararka qaar.


Waxaa ugu layaab badan in geedkan laga sameeyo caleentiisa inta la ridqo hub kimikaad [Chemical Weapon] oo argagixsada iyo qas wadayaasha u gacan geli kara. Waxaa Ku jirta caleenta geedkan maado aad u sun ah oo la yidhaa "Ricin” oo inta buddo laga dhigo cidda lagu beegsado ay neef ahaan Sanka uga qaadan Karto naftana aanay dhulka ula dhacayn. Sanadkii 1972 ayaa shir lagaga arinsadday hubka kimikadda ah loo aqoonsaday iney tahay "Hub” loo adeegaan karo dagaaladda iyo argagixisada.Waxaa Ku sumoobi Kara maadadan dad iyo duunyo wixii calashadda qalkeeda.


Waxaa Berri aan sii fogayn lagu weeraray buddada hubka ah ee geedkan laga sameeyo madax badan oo dalka Maraykanka ah [aqalka cadna ku jiro] taas oo ay dawladdu markaa ku tilmaantay weeraro argagaxiso.”


Waxaan hawl-galiyey khubaro dhirta iyo beeraha ku takhasustay oo baadhis kama dambays ah inaga siin doonta


1)halista geedkan, manficiisa iyo in loo baahan yahay oo mudnaan leeyahay .

2) siddee ayay inoogu badisaa In dhulka carra-sanka ah ee banka Tog-Wajaale aynu kala soo baxno cunto aynu ku quudino kumanaanka qoys ee reer Somaliland ee habeenkii gogosha taga calooshoodda oo madhan ee la tiicaya nafaqo darradda, gaajadda iyo cudduradda iyo  dhulkaa aynu ka beerno shun-fax leh halis caafimaad iyo mid argagixiso oo la dhoofiyo dad kooban oo gaar ahina ka helaan dhaqaale.


Waxaanan macluumaad Ka hayn oo ciddii haysa aan Ka codsanayaa inay Nala wadaagto :

-Shirkadda hawsha wadda sugnaanshaheeda

-Mashruuca & Maalgelintan waxa uu daaran yahay. Ma hubaa Mise waa saliid ? Maxaase lagu doortay

-Dadka Dhanka Somaliland Ka socda ee Shirkada hor-kacaya iyo xidhiidhka ay la  leeyihiin Xukuumada Somaliland iyo Kuwii shirkadihii hore ee macmalka ahaa inagu baadhan jiray.


Wixii xog halkaa aan Ka helno waxaan u adeegaan doonaa in dadka iyo dalka loogu hiiliyo. Waxaan Xukuumadda Ku barbar taagan nahay wixii horumar iyo maalgashi togan ee dalka ay Ka waddo. Waxaan hor istaagi doonaa  wixii dhib, hagardaamo iyo boob ah ah kooxo awooda Ku takri-falayaa soo maleegaan. Dabcan waxaynu kaashan doonaa dadka reer Somaliland guud ahaan iyo kuwa Deegaanka.


Ugu dambayntii waxaan halkan madaxwaynaha halkan uga dirayaa fariin kooban balse Marka hore waxaan xasuusinaynaa in nidaamkii Siyaad Barre ee lala dagaalamay dhulkan uu cunto dadka uga soo saaray oo lagu badhaadhay. Baaqa aan Ku soo tebinayo ayaa ah:


"Madaxwayne dalka cunto-yaraanta iyo saboolnimadda,iyo nafaqo-darradda Ka jirta kagama bixin karno gacmo shisheeye sidaa aad in badan Ku celcelisay. Sidoo kale kagama bixi karno silica shun-fax ama sun shisheeye beero ee soo Ka joog  oo dhulka iyo dadkaba Alle (swt) wuu ku waydiin’e wax manfac leh uga faaiiddee oo tudaal iyo taariikhsan ka tag”.


Allaha Mahad leh

Xamse C/raxmaan Khayre

 

Loading...
Loading...