Hargaysa: Gabadh Sagaal Jir Ah Oo Maydkeedii Laga Soo Saaray Barkad
Hargeysa: Ciidamada Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa caawa ka
hawlgalay kuna guuleystay inay Barkad ka soo saaraan Maydka Gabadh yar oo
Sagaal jira oo ku dhacday Barkad ku taallay deegaanka lagu magacaabo magaalo
Oromo ee galbeedka Hargeysa.
Markii gurmadkaas laga soo dalbaday Fire Control ka Ciidanka Dab-demiska, ciidanku waxay ugu baxeen si degdega, waxaana ciidamadu iyagoo adeegsanaya xirfadooda saacado Kadib heleen maydka.
Ciidanka Dab-demiska ayaa maydka ku wareejiyay laamaha baadhista ciidanka Booliska.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu tacsi tiiraanyo leh u
dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka baxdayna ilaahay Samir iyo
Iimaan saadiqa ha ka siiyo aamiin aamiin.
Allaa Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
990 / Emergency Call