Messi Oo Ku Guuleystay Arrin Uu Sanado Badan Usoo Dagaallamayay
Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi ayaa haataan magaciisa u diiwaan gelin karaa astaan ganacsi kaddib muddo 9 sano oo uu dagaallamayay arrintaas, sida ay go'aamisay maxkamadda ugu sarreysa Yurub.
Maxkamadda caddaaladda ee Yurub ayaa meesha ka saartay dacwad ay soo gudbiyeen shirkadda Massi iyo xafiiska Yurub ee u qaabilsan diiwaan gelinta hal abuurka.
Ciyaaryahankan ka tirsan kooxda Barcelona ayaa magaciisa astaan ganacsi u adeegsaday sanadkii 2011-kii kaas oo kasoo muuqday dharka isboortiga.
Shirkadda Massi waxay ku doodeysay in labada magac uu jahwareer ka dhalan karo.
Maxkamadda caddaaladda Yurub ayaa sheegtay in sumcadda ciyaartoyga la dhowro marka la eegayo arrinta ah in shacabka ay kala saari karaan astaanta ciyaartoyga iyo shirkadda Massi maadama uu yahay ciyaaryahan caan ah.
Massi waxay iibisaa dharka iyo qalabka la xirto marka la kaxeynayo mootada iyo baaskiilka, waxay shirkaddu horey dacwadda uga guuleysatay ciyaaryahan Messi, balse Messi ayaa ku guuleystay hadda dacwadda kaddib markii uu racfaan ka qaatay go'aanka isla markaana kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda ugu sarreyso Yurub.
Messi wuxuu lix jeer ku guuleystay billada ciyaaryahanka addunka ugu wanaagsan ee Ballon d'Or, wuxuuna kulankiisii ugu horreeyay Barcelona u saftay sanadkii 2004-tii, waxa uuna koobka Champions League ku guuleystay afar goor.
Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sano jir ah sanadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell's Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca.
BBC