Khilaafka Saylici & Saajin Oo Boorama Saameeyey Iyo Gudoomiye Tiimbaro Oo Fariin Loo Diray

0
Thursday September 17, 2020 - 21:16:29 in News by
  • Visits: 3507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Saylici & Saajin Oo Boorama Saameeyey Iyo Gudoomiye Tiimbaro Oo Fariin Loo Diray

    Khilaafka Saylici & Saajin Oo Boorama Saameeyey Iyo Gudoomiye Tiimbaro Oo Fariin Loo Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Saylici & Saajin Oo Boorama Saameeyey Iyo Gudoomiye Tiimbaro Oo Fariin Loo Diray


Hargeysa(HWN):-Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweyne ku xigeen Saylici iyo wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa saamayn ku yeeshay shacabka wada degan gobolka Awdal.

Maleeshiyaadka Boqor Buur Madow Ayaa Lahaa Puntlana Way U Goosteen”Badhasaabka G.Sanaag – All Hadaaftimo Warar Sugan o Run ah


Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal oo ay isku beel ka soo jeedaan madaxweyne ku xigeen Saylici iyo maayarka magaalada Boorama oo ay isku deegaan yihiin wasiir Saajin ayaa ka mid ah masuuliyiinta uu saameeyey khilaafka ilaa hada aan la xalin ee salka ku haya hanashada kursiga gudoomiye ku xigeenka 4aad ee Kulmiye.


Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro) ayaa dhankiisa loogu baaqay inaanu ku milmin khilaafka saameeyey gobolka uu masuulka ka yahay.


Gudoomiye u xigeenkii hore ee hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Khadar Cali Jawhar ayaa sheegay in dhib ka soo gaadhay khilaafka masuuliyiinta isku haya kursiga Kulmiye ee ka soo jeeda gobolka Awdal, isaga oo fariin u diray badhasaab Tiimbaro.


Khadar Cali Jawhar ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnes waxa uu u dhignaa sidan

"Tiimbaro waa badhasaabka uu madaxweynuhu u soo igmaday gobolka Awdal waana masuulka ugu sareeya gobolka, waxaanan jecelahay inuu in badan fiiro gaar ah u yeeshay saamaynta ka dhalanaysay hirdanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweyne ku xigeen saylici iyo wasiir Saajin ee la xidhiidha kursiga 4aad ee hogaanka xisbiga Kulmiye.


Waxaan ka digayaa in hirdankaas siyaasiga ahi uu waxyeelo amniga gobolka Awdal waayo labada masuul ee gobolka uga hooseeya badhasaab Tiimbaro waa maayirka iyo taliyaha qaybta booliska waxaanay la kala safan yihiin Saylici iyo Saajin.


Gudoomiye Tiimbaro waxan u sheegayaa oo uu waliba ogyahay dhul muran ka taagnaa inay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, arinta dhulkaasina ay ka horaysay gudoomiyaha balse dagaalka dhulka uu ka war helay subaxnimadii shalay.


Waxaan arkayaa iyada oo gudoomiye Tiimbaro lagu balaadhinayo xasarada taagan oo dhul aanu mulkiyadiisa lahayn, sharciga dhulkana uu aabahay Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar uu gacanta ku hayo in hadana cagaf la galiyey iyada oo aan cid naga mid ah lagala tashan, waxaana gudoomiye Tiimbaro loogu sheegu dhul dawladeed iyada oo khasaare la gaadhsiiyey dhulkayagii taas oo aanu dawlada dhexe waydiin doono sababta loo baabiiyey dhulkii tacabku naga galay ee aanu dhirta ka beernay mulkiyadiisana aanu haysano.


Ugu dambayn gudoomiye Tiimbaro waxaan kula talinayaa inuu ka fogaado boholaha qodan iyo bahalka duuban ee la rabo inuu ku joogsado ama ku dul kufo.


Wabilaahi Tawfiiq.

Loading...
Loading...