Xisbiyahanno Mise Qof-yahanno?
Nin hirarka badda ku haftay ayaa loo gurmaday, markii la samata-bixiyey ee xeebta la keenay waxa lagu yidhi, ka warran badda iyo dadaalka dadkii kugu badbaadiyey. Wuxuu ku jawaabay,” biyaha baddu waa dhanaan, balse ragii ii soo gurmaday ee soo dabaashay, ninba intuu ii jiray ayuu ii soo jirsaday”. Wuxuu sarbeeday dhalasho ahaan siday iigu kala sokeeyeen ayay iigu soo gurmadeen.
Heerka qofnnimo jeclaysigu
halkaasi ayuu dadka qaarkii ka taagan yahay. Wuxuu sarbeeday dhalasho ahaan
siday iigu kala sokeeyeen ayay iigu soo gurmadeen.Waxa aan u haystay inuu xisbiga ugu jiro mabda’ ahaan,
hasayeeshee sidaasi maaha arrintu. Waa nin shakhsi siyaasi ah oo xisbiga ku
jira oo uu taageersan yahay ugu jira. Dhawaan ayuu warbaahinta nin oday ahi ka
yidhi” xisbiga hebel waxa aan ugu jiray hebel, markii uu ka baxay ayaan isaga
baxay”. Markaad u kuurgasho dad badan ayaa dhaqankaasi ku sifoobay. Wuxuu ugu
horreeyaa dadka sida joogtada ah baraha bulshada naqdiga aan caqliga iyo
cilmiga ku dhisnayn ugu geystay qof kasta oo soo bandhiga dhaliisha muuqata ee
uu leeyahay qofka uu taageerayo.
Faallooyinkiisa waxa inta badan la socda sawirka siyaasiga xisbiga ku jira ee qof-yahan ahaan u taageersan yahay. Arki meysid isaga oo xisbiga guushiisa wax ka sheegaya ama eedaha indhalaha la’ ee loo geysanayo ka difaacaya. Inta badan waa weeryahan aan ka gabban wuxuu sheegayo, wuxuu safka hore kaga jiraa dagaallada sokeeye ee aan xabbad joojinta lahayn ee hadh iyo habeen ka socda baraha bulshada.
Wuxuu
ku socdaa qorshe cad oo laga soo go’aamiyo xarumaha gobollada ee xisbiyada,
isaga se wuxuu haysta kitaab hoose oo ku salaysan shakhsiga uu xisbiga ku joogo
taageeradiisa. Wuxuu buunbuuniyaa hadallada siyaasiga uu xisbiga ku joogo.
Caadi ahaan siyaasiyiintu waxa ay fursad isu helaan markay tagaan munaasibado,
markaasaa makarafoonka aan waxba la isugu hambeyn. Muuqaalka iyo hadalka
siyaasiga uu xisbiga ku joogo ayaa bogiisa FACEBOOK muddo dheer u sudhan, sidii
sawirka madaxweynaha ee sudhan gidaarada xafiisyada dawladda oo kale.
Dawladnimada
wuxuu u fahansan yahay in ninka uu taageersan yahay kursiga madaxweynaha loo
xidho si dalku uu barwaaqo ceegaagta cagaha ula galo. Waa qof, qof kale ku
dhexjiro. Dhaqanka xisbiyada dumuquraadiga ahi wuxuu dhigayaa in lagu tartamo
barnmaajiyo siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin waxa qorshe uga yaalla adeegyada
bulshada, maceeshada iyo nolosha dadka danyarta ah. Isaga waxa isu saaran
qofnimo jeclaysi reernnimo cuskan oo uu ugu dhegan yahay sidii
bara-boobta.
Markii aad codbixinayso waxaad dooranaysaa
xisbiga aad taageersan tahay. Xisbi siyaaseedku waa koox dadyoow ah oo isku
fikrad qaba oo doonaya in siyaasadda dalka ay saamayn ku yeeshaan. Xisbi kasta
waxuu leeyahay barnaamij siyaadeed u gaar ah oo muujinaayo fikrada xisbaga uu
ka qabo habka bulshada uu hormareeyso. Xisbiyada siyaasaded waayahan danbe jira
waxa ay fikradahooda ku saleeysan yihiin fikrado soo ifbaxay hadab wixii markaa
ugu weyn ee ay bulshadu tebayso ee culays weyn ku haya.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!