'' Lasoco Aduunka , Abraham Accord ''.

0
Thursday September 17, 2020 - 08:10:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Lasoco Aduunka , Abraham Accord ''.

    Waa maxay Abraham Accord .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay Abraham Accord .

Abraham Accord ama is bahaysigga reer Nebi Ibraahin waa qorshe siyaasadeed uu keenay maamulka madaxwayne Trump , kaasoo laggu daray siyaasada arrimaha debedda ee maraykanka , waxaana mudooyinkii u dambeeyey si firfircoon uga shaqaynayay u qaybsanaha bariga dhexe ee Trump mr kushtin .

 

Waa maxay Abraham Accord .

 

Abraham accord waa hab cusub oo laggu badalay barnaamijkii la odhan jirey nabadaynta bariga dhexe , barnaamijkan cusubna nuxurkiisu waxa weeyaan in la abuuro xulifo u dhaxaysa wadamadda carbeed ee heshiiskan ogolaadda iyo isreal , iskaashigaas oo ay hogaaminayso Isreal .

 

Wadamadda xulifadan ku midoobaya ayaa iska kaashanaya dhinacydda amaanka , sirdoonka , dhaqaalaha , tacliinta iyo tiknoolajiyadda .

 

Qorshahan Abrahan accord ayaa habeenkii xalay waxaa saxeexay wadamadda Imaaraadka , Bahrain iyo Isreal , waxaa sidoo kale goob joog ahaa marti ka socotay wadamadda Oman , Masar iyo Soodaan .

 

Xulifadan cusub ayaa ujeedadeedu tahay in lagaga hortago wadanka Turkiga oo saamayn wayn ku yeeshay Bariga dhexe iyo dunidda Islaamka iyo wadanka Iran oo isna culayskiisa ku leh Bariga dhexe siyaasad ahaana la jaal ah wadanka Shiinaha .

 

Sidda uu sheegay abaanduulihii horre ee Gaashaanbuurt Naato , xulifadan ayaa yeelanaysa iskaashi milateri , sirdoon , nidaamka ka hortagga gantaalaha iyo iskaashi milateri , sidoo kale aqoon yahanka caanka ah ee maraykan ee la yidhaahdo Fred Kablan ayaa sheegay in qorshahani yahay qorshe wayn laakiin aanu ahayn qorshe nabadeed .

 

Ugu dambayn qorshahan ay isku bahaysanayaan wadamadda xulifadda la ah Maraykanka ee bariga dhexe ayaa loo qaabeeyey in loo sameeyo Cadaw guud oo ay iska kaashanayaan , cadawgaas oo ah Iran iyo Turkey , iyadoo cadaawadii Carabta iyo Yuhuudana meesha lagga saarayo , sidaas darteed ayaana loogu bixiyey is bahaysiga reer Nebi Ibraahin , Wadaad magaciisa la yidhaahdo Maxamed tawxiidi oo arrintan ka hadlayna wuxuu sheegay in Caawa Nebi Ibraahin luxudka lasoo kacay , qabrgiisana ka daawanayo nabadda dhexmartay caruurtiisa , waa sidda uu hadalka u dhigaye .

 

Si kastaba ha ahaatee , sidda uu xafladii heshiiskan laggu saxeexay ka sheegay Madaxwayne Trump , waa isbadal wayn oo taariikheed oo aan horre u dhicin .

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...