Wasiir La Eeday Uun Iga Dheh Ka Arimaha Diinta, Awqaafta, Iyo Dhaqanka Ee Jabuuti

0
Thursday September 17, 2020 - 08:02:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir La Eeday Uun Iga Dheh Ka Arimaha Diinta, Awqaafta, Iyo Dhaqanka Ee Jabuuti

    ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف

Nin aqal muraayad ah ku jiraa haduu tuurtuuryo dayn waayo horta yaa uga futo xun waa yaab eh? Sawkii Hadraawi yidh:



ADIGOO DAALAY OO CUDUR KA SOO DOOGAY. NIN TUNKIISA DAAWADAY HADUU KUU DARDAARWERIYO. LIBTA LOOMA DAAYEE USHAA LAGU DILAACSHAAYE

 

Soomaali oo dhan dhexdeeda ninkan Caligurey waa biri-ma-geydo, marka laga reebo TUUGTA MAREEGAALE EE DAWLADDA JABUUTI. Iyaguna waa calooshood la ciyaaro aanay rag waxba iska soo arag eh bal hadda waa u fasax ciddii ay quudhsan karaan eh isu kaayo daaya.

 

Qura’aanku waa carabi balse carabigu quraan maaha. Nin jariidad yar oo af carabi ah malmaluuqi jiray marka kabo ka waawayn loo xidho ee Wasiir laga dhigo (Wasiirka Arimaha Diinta. Awqaafta, iyo Dhaqanka ee Jabuuti) weliba arimaha diinta, dhaqanka, iyo Awqaafta la isugu daray wuu faaqay. Kan gabadha reer Jabuuti ee Canfarta ah ee af soomaaliga badan ee Ina Bukaaco ay yidhaahdaan ayaa ka dadnimo fiican oo ka wadanisan oo dalkeeda Djibouti uga lexojeco badan oo ka damiir wanaagsan. Halkaan kala qaaday ma jecli in aan wax faahfaahin ah ka bixiyo oo waxay noqonaysaa fadeexad sideeda u taal. Mid baanse laaxin laga jarayn oo aan gunta soo taabtay qiyaamahana la i waydiin doonaa. Waxa ku dhan calaamadihii Rasuulku scw inoogu sifeeyay qofka munaafaqa ah

 

ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف

Waxa u dheer dirodiraynta. Iska daa qiyam diineed eh waa qof ka madhan wanaag oo dhan oo aan seedi u dhanaanayn. Waa munaafaq hadana Muuminow la leeyahay aragii nactar.

 

Aniga xagyga Ixtiraamku maaha waxa dhinac keliya ka socon kara ee waa xidhiidh u baahan mar kasta laba dhinac oo iswaydaarasada. Cid keligeed xaq u leh in la ixtiraamo iyaduna aanay cidna ixtiraamini ma jirto aniga xagayga.

 

Caligurey inta taqaan way ogyihiin oo markhaati bay ka yihiin inta aan difaaci jiray Dawladda Jabuuti. Tii ugu dambaysay Goddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo aan abti u ahay tii aan ku dhigay ayaa la ogaa. Iyaguna intaan kabahooda tolayay anigana kafantayda in ay tolayeen si fiican baan u ogaaday.

 

Anigu isdifaaca ma aqaan oo difaca kuma wanaagsani. Difaacayguna waa weerar waana bilaw. Ninkii dab hindhisayow soo daa hadaba, oo gelin qudha ha ii tudhin

 

Caligurey

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...