Faallo: Hadalkii Wasiir Cabdillaahi Abokor

0
Thursday September 17, 2020 - 07:52:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Hadalkii Wasiir Cabdillaahi Abokor

    "Shan Sanadood Oo Dambena Waanu Haysaneynaaye, Ha Tahriibo"Ayuu yidhi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shan Sanadood Oo Dambena Waanu Haysaneynaaye, Ha Tahriibo"Ayuu yidhi.

Fàalada Toddobaadkan Iyo Hadalhaynta Dadweynaha Ee Oo ku Wajahan Hadal Kasoo Yeedhay Mid Kamid ah Wasiiradda Xukuumada.

 

Kadib Markii uu Isniintii Shaley 14/09/2020 ka Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan Isugu Yeedhay Warbaahinta Kala Duwan,Isagoo Ka Jawaabaya Hadal uu Jaamacada Hargeysa Ka Jeediyay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Waxa Hadalka Jawaabtiisa ah Kujirey

 

"Shan Sanadood Oo Dambena Waanu Haysaneynaaye, Ha Tahriibo”Ayuu yidhi.

 

Marka Si dhab ah loo Eego Nuxurka Hadalkan Wuxuu ahaa Mid Gef ku ah Guud ahaanba Somaliland Dal ahaan iyo Dad ahaanba, Islamarkaana, Tusaale cad u ah in ay Qeyb ka Tahey Damaca iyo qorshayaasha Xukuumada, oo aan Marnaba Diyaar u aheyn in ay Dalka ka Qabsoomaan Doorasho iyo Tartan Xalaal ahi iyadoo aanu aheyn Marnaba hadal Siyaasi ah Miyaan la odhan Karin Wuxuu hordhac u yahey, inaan Xukuumada iyo Madaxweynaheeda Muuse Biixi Cabdi kutalaglkoodu aheyn In Lala Tartamo.

 

Walow at Dabeecad ka tahay, Madaxweynaha In aanu Marnaba Raali ka aheyn Tartanka, haddana Waxa hadalkani Tafsiirayaa in Cabdilaahi Abokor(Wasiirka Gaadiidku), Kanud yahey Raga ka agdhaw ee La Fikirka ah isaga oo aanay Beryahaa Diyaar u aheyn ama aanay Mustaqbalka Filayn in Xukunka iyo Talada Dalka loogala Wareego sidii Muddo badan Somaliland kusoo Dhaqneyd ee Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada bal aynu Eegno Cimriga ay Tirsanayaan iyo Waxa ay Maaagan yihiin iyo Sida Xaaladu Ku dhamayn Doonto Maadaama, ay Talaabada iyo Maalmuhuba Xaga Eebe SWT Ka Tirsan Yihiin.

 

Gabagabadii Wasiirka Cabdilaahi Abokor, Waxa uu Mar hore ka Jawaabey, hadal kasoo Baxey Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku Sahabsanaa Arimo uu soo Qaadey Xirsi, oo ahaa in Ciidamada la Adeegsado taas oo uu kaga Jawaabey dhacdo Gurigiisa lagu Weerarey Xiligii Xirsi ahaa ( Wasiirka Madaxtooyada), Miyaanay Gobanimo La,aan iyo Sharaf dhac ku aheyn in uu Maalin Walba Qodobkaasi ku dheganaado ileyn Xiligan isagaaba Kamid ah Xukuumadii oo kamid ah Wasiirada Macalinka Kacaankan la Agdhawe.

 

W/Q  Cabdiraxmaan Hiiraan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...