Maanta Oo Kale Markii La Bilaabay Jidka Dheer Ee Ceerigaabo Iyo Burco

0
Wednesday September 16, 2020 - 22:20:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Oo Kale Markii La Bilaabay Jidka Dheer Ee Ceerigaabo Iyo Burco

    Maanta Oo Kale Markii La Bilaabay Jidka Dheer Ee Ceerigaabo Iyo Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Oo Kale Markii La Bilaabay Jidka Dheer Ee Ceerigaabo Iyo Burco

Hargeisa(HWN):-Maanta oo kale 7 sanno ka hore, ayaa la dhagax dhigay mashruucii u weynaa ee laga hir geliyo Somaliland, kaas oo ahaa jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo ahaa mid ay bulshada Gobolka Sanaag dhibaato iyo rafaad badan kala kulmi jirtay.
Jidka Ceerigaabo Ilaa Burco Isku Xidha iyo Kormeerkii Madaxweyne Siilaanyo. | WAJAALE NEWS


Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa mashruucaasi dhagax dhigay 16 September 2013-kii, iyada oo wakhtigaasi loo arkayey riyo madaama oo jidkaas oo dhererkiisu yahay 275 KM uu Madaxweynuhu ku dhiiraday in xukuumaddiisii iyo shacabka Somaliland gunti giijis ku samaystaan jidkaas, iyaga oo aan helayn taageero shisheeye.

Jidkan ayaa intiisii badnayd la dhamaystiray, iyada oo Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhistay 94 KM, halka Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi aannay saddexdaa sano wax badan ku sii darin, inkasta oo ay buunbuuniyaan Cabbirka ay ku darreen mudadaas uu Xukunka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Inkasta oo muddo 7 sanno ah uu soo jiitamay dhismaha jidkan, ayaa haddana dadka deegaanku ka faa'iideen isticmaalka inta la dhisay, iyada oo wakhtigii dheeraa, rafaadkii iyo dhibtii lagala kulmi jiray jidkan ay ka raysteen dadka Gobolka Sanaag, waxaanay isticmaali jireen gaadiidku kolba inta dhisan amma caro kaawada la dhigo.

Mashruucan Jidka Ceerigaabo, ayaa haddii la dhamaystiro muddada uu xilka hayo Xisbiga Kulmiye, waxa uu noqon doonaa mid lagu xasuusto Xukuumaddihii Xisbiga Kulmiye ka soo baxay.

Si kastaba ha ahaatee, bal in Xukuumadda Muuse Biixi ay jidkaas dhammaystirto labada sano ee u hadhsan iyo inay ka tagto Jidkaas oo qayb ahaan qabyo ah waxaynu u daynaynaa Wakhtiga oo innoo kala sheegi doonna haddii Rabbi yidhaahdo.

Loading...
Loading...