Faallo:-Weerarka Wasiir Saajin Waa Gardaro Garab Og!

0
Wednesday September 16, 2020 - 20:41:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Weerarka Wasiir Saajin Waa Gardaro Garab Og!

    Hargeisa(HWN):- Maxamed Xasan Sacad (Saajin), waa Wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxaannu Xilkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):- Maxamed Xasan Sacad (Saajin), waa Wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxaannu Xilkaas

Hargeisa(HWN):- Maxamed Xasan Sacad (Saajin), waa Wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxaannu Xilkaas ku hayaa Digreeto uu ku magacaabay Muuse Biixi Cabdi. Dawladnimaduna waa nidaam iyo haykal darajooyin leh oo lagu kala danbeeyo, isla markaanna Awaamiirta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ku faraan waa waajib Distoori ah inaad qaadataa, mana habboona inaad Madaxdaada isku dherreriso oo aad kula loollanto Xilka waa wayn ee ay Xisbiyadda ama Xukuumadda ka hayaan. Sidoo kale Wasiir Saajin waxa uu Xilka qaran ku yimid Digreeto, halka uu Madaxweyne ku-xigeenku ku yimid Cod shacab, iyagoo sidaa u kala duwan Xilalkooddu, haddana ma jirto sabab qaanuuni ah oo Wasiirka u fasaxaysa inuu Warbaahinta qaybaheedda kala duwan eeddaymo uga soo jeeddiyo Madaxweyne ku-xigeenkiisii, waanna ka hor imanaysa kala sarraynta Madaxda iyo nidaamka dawladdeed, haseyeeshee ku dhiirashadda eeddaha uu Wasiir Saajin u jeeddiyay Madaxweyne ku-xigeenkiisii waxay u egtahay gardarro garab og, waxaannu isku lahayn ka qabaa Muuse Biixi Cabdi oo dhabarka soo taabtay.




In Xilalka sarre ee Xisbiyadda si Dimuqraadi ah oo furan loogu tartamaa waa arrin wanaagsan oo laga dheehan lahaa bisaylka siyaasaddeed hoggaamiyeyaasha Xisbiyadda qaranka, hase yeeshee haddii Muuse Biixi talaabaddaas diidday oo uu leeyahay Kursigayga ma jirto cid igula tartamaysaa, isla markaanna Kurraastii kale aannay jirin cid kula tartamaysa Guddoomiye xigeennada 1aad, 2aad iyo Saddexaadba, waa maxay sababta Kursiga Cabdiraxmaan Saylici oo kaliya tartanka loo gelinayaa? Sow ma habboona in dhammaan-ba hoggaanka Xisbiga KULMIYE si furan oo Xalaal ah loogu wada tartamo ama dhammaantoodba lagu wada fadhiyo oo Ninkastaaba uu calafkiisa ka qaaddo, waxaan filayaa waa arrin sahlan oo Distoorkeennu ogol yahay, maaddaama aynu dal dimuqraadiyadi ka jirto aynu sheegano, inkastoo ay iska tahay sheegasho been ah oo Dimuqraadiyadi aannay Xisbiyaddeena ka jirin.

Ta kale, haddii uu Muuse Biixi ku faraxsan yahay inaan Saddexda Kursi ee u sarreeya Xisbiga KULMIYE oo saddexdaba ay beelaha Isaqaa ku fadhiyaan, maxay ka dhiggan tahay in Kursigii guddoomiye xigeenka 4aad ee Saylici uu tartan geliyo oo weliba Wasiir Saajin oo ay isku beel ka soo jeeddaan Saylici uu dhabarka soo taabto, halkaas waxa ka muuqanaysa munaafaqad siyaasaddaysan oo uu Muuse Biixi ku kala dillaayo  Siyaasiyiinta reer Awdal. Bal adiguba caqlaad  leedahee maxaa loogu tartami waayay Kursiga Muuse Biixi ee guddoomiyenimada KULMIYE? Maxaa loogu tartami waayay Kursiga Maxamed Kaahin ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad? Maxaa loogu tartami waayay Kursiga Ahmed Cabdi Dheere ee guddoomiye ku-xigeenka 2aad? Akhriste waad fahmi kartaa halkaas waxa ku jiraa inay tahay xaqdaro iyo isku jebin badheedh ah oo Muuse Biixi uu ku fogaynaayo Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici xaq buu u leeyahay innuu booskiisa xejisto, isla markaanna uu u tartamo Kursiga guddoomiyenimo ee Xisbiga KULMIYE, mana jiraan wax ka maanacaaya innuu isu soo taago jagadda Madaxweynenimo, maaddaama uu laba xilli Madaxweyne ku-xigeen soo noqday, waayo-aragnimo ku filana wuu haystaa, haddaanay duufaanta uu Muuse Biixi ku kicinnayaa qaaddan.

Si kastaba ha ahaatee laba toddobaad uun baa innaga xiga qabsoomida Shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE bal sida wax u dhacaan iyo in maalmaha ka horreeya ee foodda innagu soo haya ay wax is badallaan, hase yeeshee ka hor dhici maynee wakhtiga ayaynu u daynaynaa sida xaalka KULMIYE noqdo haddii Eebbe yidhaahdo.

Loading...
Loading...