Ereyga Hoobal.

0
Wednesday September 16, 2020 - 17:02:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ereyga Hoobal.

    W/Q: Ahmed Osman Mohamad. (Aanis).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Osman Mohamad. (Aanis).

Qormadan waxaan kusoo qaadanaynaa



Ereyga Hoobal oo Yaasiin C. Keenadiid ku fasiray: shaydaanka ciyaaraha la tunto, aabbaha u ah. Buuggiisa kalena, ("Ina Cabdulle Xasan), isagoo ka faaloonaya ereyga Jinni wuxuu xusay: "Jinniyada wanaagsan waxaa ka mid ah midka maansooleyda Soomaaliyeed gacan ku siiya curinta maansada. Jinniga noocaan ah waxaa la yiraahdaa, Hoobal.


"Hoobal Soomaalidu waxaa loo bixiyaa qofka heesaha iyo fanka u go'ay".


Magacaan Hoobal wuxuu u eg yahay magac sanamkii Carabtu caabudi jirtay Islamka ka hor oo ahaa Hubal. Sanamkaas asalkiisii hore waxaa carriga Shaam ka keenay Caamir Bin Luxey, oo hogaamiye u ahaa qabiilka Khuzaaca. Waana sanamkii ugu horreeyay ee Qureysh kacbada ag dhigato, baa la yiraahdaa. Haddaba, xiligii Islaamka ka hor Qureysh iyo Soomaaliya in xiriir ka dhexeeyay wax muujinaayo habayaraatee lama hayo.

Waxaase u badantahay in ay ahaayeen Finiiqiyiinta (Fenici) dadka soo gaarsiyay Soomaliya dhaqanka Hoobal, Islaamka ka hor.

LASOCO.....

 

W/Q: Ahmed Osman Mohamad. (Aanis).

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...